
Munaasabad xilalka ay kula kala wareegayeen Agaasimihii hore ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland iyo kan Cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland ayaa maanta ka dhacday xarunta ay Wasaaradu ku leedahay gudaha Dekeda Bosaso.
Waxaa kasoo qaybgalay munaasabadaasi Wasiir kuxigeenka amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismail, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Abshir Siciid Saalax, Agaasimayaal waaxeed, shaqaalaha Wasaaradda iyo marti sharaf kale.
Maxamed Axmed Nuur[Dhawre] oo ahaa Agaasimihii hore ayaa xilkaasi ku wareejiyey Agaasimaha Cusub oo lagu magacaabo Cabdimajiid Samatar Maxamuud kaasi oo wareegto Madaxweyne lagu soo mahacaabay Agaasimaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland

Mr.Dhowre ayaa sheegay in wax weyn ay ka qabteen hawlaha Dekeda Bosaso balse ay jiraan hawlo qabyo ah lana doonayo in uu si dhameystiro Agaasimaha Cusub ee la soo magacaabay.
Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Cabdimajiid Samatar Maxamed oo lagu soo dhaweeyey xafiiska ayaa sheegay in marka hore uu u mahadcelinaayo Maxamed Axmed Nuur[Dhawre], wuxuuna intaasi ku daray in hawshu ay tahay mid aad u adag balse looga bixi karo adeygeeda shaqaalaha Wasaaradda ay ila shaqeeyaan si hawshu igu fududaato haddii ALLE idmo.
Cabdimajiid Samatar Maxamed ayaa balan qaaday in inta uu xilkaasi gacanta ku hayo uu wax badan oo dhanka xafiiskiisa quseeya uu wax badan ka qaban doono.
Mas’uuliyiin kale ayaa goobta ka hadlay oo ay kamid ahaayeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Abshir Siciid Saalax,Wasiir kuxigeenka amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismail iyo kuwa kale, dhamaantooda waxay kula dardaarmeen Agaasimaha cusub in shaqada loo igmaday ay tahay mid adag balse looga baahanyahay in si daacad ah uga soo baxo ILAAHAYNA uu la gabqabto.
Cabdimajiid Samatar Maxamuud ayaa horey ahaan jiray Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso wuxuuna xilkaasi hayey muddo 8-sano ah.
Maxamed Dheere
Horseed Media
Bosaso,Puntland




