Kulankaan oo kulmiyay maamulka cusub ee degmada Baran,qaybaha bulshada iyo hayadaha ka hawlgala degmadaasi ayaa ka dhacay degmada Baran ee xarunta gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha degmada Baran Cabdirisaaq Axmed Ciise oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in hay’adaha ay la kulmeen ay qayb ka yihiin Horn Relief.DRC iyo hay’ado kale,waxaana uu xusay in hay’adahaasi ay kala hadleen sidii ay uga wadashaqayn lahaayeen arrimaha bulshada ee degmada Baran.
Wuxuu intaasi ku dartay in in dhowaan ay filayaan hay’adahaasi ay u soo gudbiyeen ajandahooda ku aadan waxyabaha ay ka qabanayaan degmada Baran.
Mar uu k hadlayay kulankaasi feer socday oo ay la qaateen qaybaha bulshada ee degmada ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in ay ka wada hadleen wax ka qabshada abaarta ka jirta degmada iyo gacan ka gaysashada biyo dhaamin uu maamuka degmada uu ka wado degmadaasi.
Si kastaba waa kulankii ugu horeeyay oo maamulka cusub ee degmada Baran uu la qaato qaybaha bulshada ee degmada iyo hay’adaha ka hawlgala degmadaasi.
Horseed Media



