[img]Maamulka%20Gobolka%20Bari%20Oo%20Xaflad%20Soo%20Dhaweyn[/img]
Xafladaasi oo kulmisay maamulka gobolka Bari,maamulka cusub ee degmada Baran,ganacsatoo,waxgarad iyo marti sharaf kale ayaa ka dhacday Hotel Juba ee magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Xafladaasi ayaa waxaa soo qabanqaabiyey maamulka gobolka Bari ayaa u jeedadeedu ay ahayd soo dhaweyn uu u sameeyey Guddoomiyaha gobolka Bari Sheikh Cabdixaafid Cali Yuusuf maamulka Cusub ee degmada Baran ka dib markii uu Guddoomiyaha cusub ee degmada Baran uu socdaal kusoo gaaray magaalada Bosaso.
Guddoomiyaha gobolka Bari Sheikh Cabdixaafid Cali Yuusuf oo ka hadlay xaflada ayaa sheegay in maamulkiisu uu soo dhaweynayo maamulka cusub ee degmada Baran ee xarunta gobolka Sanaag.
Sheikh Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa intaasi ku daray in loo baahanyahay in ganacsatada iyo Jaaliyadaha dibada ee kasoo jeeda goblka Sanaag ay gacan ka siiyaan maamulka Cusub ee degmada Baran wax ka qabashada arrimaha horyaala isla markaasina uu filayo in Jaaliyaduhu ay mashaariic ka fuliyaan degmadaasi.
…..’Iskaashi dhexmara goblada iyo degmooyinka waa mid ku dayasho mudan,waxaana rajeynayaa in cashar ay ka qaataan gobolada iyo degmooyinka dhigayaga ah…”ayuu yiri Cabdixaafid Cali Yuusuf.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Baran Cabdirisaaq Axmed Ciise oo sidoo kale ka hadlay xafladii soo dhaweynta ahayd ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo ka maamul ahaan soo dhaweyntii ay noo sameeyeen maamulka gobolka Bari.
Cabdirisaaq Axmed Ciise ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa oo aan haysan wax dhaqaale ah ay ka go’an tahay in uu wax ka qabto arrimaha iminka horyaala,wuxuuna hoosta ka xariiqay in Jaaliyadaha u dhashay gobolka Sanaag ay ka balan qaadeen maamulkiisa in ay gacan ka geysanayaan horumarka degmada Baran ee gobolka Sanaag.
Si kastaba arrimahan ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan 20-sano ka dib ay maamul yeelatay degmada Baran ee xarunta gobolka Sanaag.
Cabdiqani Qalabad
Horseed Media



