Garowe(Puntlandi.com) Xaruunta Ciidanka booliska ee Gobolka Nugaal kuna yaala Magaalada Garoowe ayaa Maanta waxaa Tababar looga Furay Ciidamo kuwa Amaanka ka shaqaynaya ah oo laga kala keenay Gobolada Mudug iyo Sool ee ka Tirsan deeganada Puntland.
Ciidamadaan ayaa Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deeganada Puntland waxaana Maanta Tababarka loo Furay lagu barayaa waxyaalo kala gedisan waxaana ay ka shaqayn doonaan Amaanka Marka uu u dhamaado Tababarkaasi Mudada soconaya.
Sareeye Guuto Cali Nuur Cumar Taliyaha Ciidanka Booliska Asluubta iyo Nabad Sugida ee Puntland ayaa goobtaasi ka hadlay waxaana uu Ciidankaasi Tababarku u furmay u sheegay in loo baahan yahay in dadka la dhaqmaan una sameeyaan Cadaalad kuna shaqeeyaan diinta islaamka iyo dhaqankeena, waxaana uu intaasi ku daray in la miisaami doono deegaanada Puntland.
Macalimiinta Tababarka wada oo aan qaarkood la kulmay ayaa waxaa ay noo sheegeen in Ciidanka la bari doono Maadooyin isugu jira shuruucda dalka iyo shareecada islaamka waxaana intaasi ku sii daray in Tababarka oo Ciidanka loo qabanayo la barayo shareecada islaamka iyo sharciga dalka uu ku dhaqmo.
Deeganada Puntland waxaa waayadan ku soo kordhaya Tababarada loo soo xirayo ciidamada oo noocyo kala duwan waxaana haatan xooga la saaray sidii sharciga iyo dhaqanka loo Fahan siin Lahaa ciidamada Amaanka oo ah kuwa inta badan ka agdhow dadka shacabka Amaankoodana Suga waxaana Tabarkii kan ka horeeyey soo xidhay Madaxweynaha Puntland Dr, Faroole




