Gaalkacyo (RBC Radio):- Saddex ruux ayaa geeriyootay ku dhowaad toban ruuxna waxaa soo gaarey dhaawac kadib markii dabley hubeysani ay weerar ku qaadeen masjidka Salaaxudiin ee magaalada Gaalkacyo.
Waxaa warar aanu ka helayno dad ka agdhowaa masaajidka Salaaxudiin ee magaalada Gaalkacyo ay inoo xaqiijiyeen in dabley hubeysan oo wadata laba gaari in ay weerar ku qaadeen Masaajidka Salaaxudiin iyo agagaarkiisa dadkii ku sugnaa halkaasina uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Ilaa iyo haatan ma jirto cid si rasmi ah u cadeysay dadka weerarka la beegsadey masaajidka Salaaxudiin ee magaalada Gaalkacyo, waxaana dadkii ku dhaawacmey iyo kuwa ku dhintey weerarkaasi ay ahaayeen dad masaajidka ku tukanayey salaada maqrib, waxaana dhaawacyadii weerarkaasi la geeyay Isbitaalka guud ee gobolka Mudug halkaasi oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Weerarka caawa fiidkii lagu qaadey masjidka Salaaxudiin Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya xilli maanta duhurkii bartamaha magaalada Gaalkacyo lagu qarxiyey Shiikh Ismaaciil Xaashi Xuseen oo ka mid ahaa Culimaa’udiinka ugu waaweyn gobolka Mudug.
Ma jirto ilaa iyo iminka cid loo soo qabtey weerarka caawa lagu qaadey masaajidka Salaaxudiin ee magaalada Gaalkacyo, waxaana caawa magaalada laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah.
RBC Radio.




