Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby TheblueNwhite » Sat Apr 16, 2011 5:36 pm

Allaha u naxariistee waxaa geeriyoodey Agaasimihii Guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Puntland Shiikh Ismaaciil Xaashi Xuseen kadib markii qarax miino oo dhulka lagu aasay lagula eegtay bartamaha magaalada Gaalkacyo.
Qaraxa miino ee lala eegtay Shiikh Ismaaciil ayaa ahaa mid aad u dhawaaq weyn oo laga wada maqley guud ahaan magaalada Gaalkacyo, waxaana qaraxani ku dhintey Shiikh Ismaaciil, waxaana dhaawac culus uu ka soo gaarey laba ruux oo la socotay iyadoo gaarigii uu Shiikh Ismaaciil wateyna uu burburay.

Shiikh Ismaaciil Xaashi Xuseen ayaa marka qaraxa lala eeganayo waxaa uu si toos ah uga yimid Masjidka Muxamadu Rasuululaahi SCW oo uu salaada duhur jameeco halkaasi ku soo tujiyay, waxaana salaadii duhur kadib Shiikhu masaajidka ka sheegay in dadka wax heysta ay lacago iska aruuriyaan si loo taakuleeyo masaakiinta aan waxba heysan.

Qadar daqiiqado ah kadib markii uu ka soo baxay masaajidka uu salaada duhur ku soo tukaday ayaa waxaa qarax miino oo dhulka lagu sii diyaariyey lagu dilay Agaasimihii guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Puntland Shiikh Ismaaciil Xaashi Xuseen.

Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ahaa ka soo horjeedka shirkadii hore ee STG Galcom, waxaana qaraxu dhacay xilli Shiikh Ismaaciil uu ku sii socday guriga uu ka deganaa magaalada Gaalkacyo.

Dhaawaca laba ruux iyo meydka Shiikh Ismaaciil ayaa durbadiiba waxaa goobta ka qaadey dadweyne maqley qaraxa kuwaasi oo durbadiiba ula cararay dhinaca Isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Shiikh Ismaaciil ayaa ahaa nin si weyn loogu xasuusto ku baraarujinta diinta Islaamka dadweynaha gobolka Mudug, wuxuuna ahaa Culimada waaweyn ee u taagan ka shaqeynta nabadgelyada, wuxuuna bilihii la soo dhaafey masaajida waaweyn ee gobolka Mudug uu ka jeedinayey khudbado diini ah oo uu ku cabirayey dilalka xaq darrada ah iyo qaraxyada ka dhaca dalka Soomaaliya.

Khudbad uu ka jeediyay dhowaan xaflad loo dhigayey Jaamacad cusub oo Gaalkacyo laga furay ayuu Shiikh Ismaaciil waxaa uu maamulka iyo macalimiinta Jaamacada ka codsadey in aan ardeyda la barin waxyaabaha khatarta ah sida in ardey la baro sida la isu qarxiyo.
Allaha u naxariistee Shiikh Ismaaciil Xaashi Xuseen dilkiisa ayaa waxaa si weyn uga naxay dhamaan shacabka Puntland gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Mudug, waxaana lagu wadaa in maanta lagu aaso qabuuraha Cirjiife ee magaalada

Gaalkacyo.
RBC Radio.

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby TheblueNwhite » Sat Apr 16, 2011 5:42 pm

Isku-duwihii wasaaradda garsoorka iyo cadaaladda Puntland iyo laba qof oo kale oo lagu dilay Qarax miino

Sabti, Abriil 16, 2011 (HOL) – Qarax maanta ka dhacay xaafadda Israac waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu dilay isku-duwihii wasaaradda garsoorka, cadaaladda iyo arrimaha diinta ee Puntland, Sheekh Ismaaciil Xaashi Xuseen iyo laba qof oo kale.

Dilka mas'uulkan ayaa loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago taasoo la kacday gaargii uu watay, iyadoo la sheegay in laba qof oo kale ay ku dhawacmeen qof oo shacab ah, iyadoo qaraxa laga maqlay guud ahaan xaafadaha degmada Gaalkacyo.

Qaraxa lagu dilay mas'uulkan ayaa wuxuu ka dhacay illinka hore ee xarunta shirkadda isgaarsiinta Galcom ay ku leedahay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Mas'uuliiinta Puntland oo ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan qaaxaas ayaa sheegay inay howgallo baaritaanno socdaan lana qabtay dhowr qof oo looga shakiyay inay ka dambeeyaan weerarka lagu dilay agaasimaha.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Sheekh Ismaaciil uu shalay ka istaagay masaajid ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo isagoo ka hadlay qaraxyada inta badan ka dhaca degmadaas isagoo sheegay in laga soo abaabulo Koonfurta Soomaaliya.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan xumada ah ee ka taagan degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, oo ay ka taliyaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby quark » Sat Apr 16, 2011 6:06 pm

AUN

:(

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby FBISOMALIA » Sat Apr 16, 2011 6:08 pm

and you happy that you write the topic ...your ppl killed him bunch of cowards soon we have to deal with you sooner or later

AUN Shiikh ismail

User avatar
Dudaaye
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 796
Joined: Wed Sep 03, 2003 7:00 pm
Location: Goldogob Distirict: leelkase State

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby Dudaaye » Sat Apr 16, 2011 6:41 pm

AUN
Last edited by Dudaaye on Sat Apr 16, 2011 7:08 pm, edited 3 times in total.

mashallahbro
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 685
Joined: Fri Feb 25, 2011 9:30 pm
Location: Sultan from Upstate Hadaaftimo with that Oil Paper........BALLINNNNnNN

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby mashallahbro » Sat Apr 16, 2011 6:42 pm

ASAK AUN

User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby CismanMaxamud1 » Sat Apr 16, 2011 6:43 pm

AUN

User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby Babygirl- » Sat Apr 16, 2011 6:45 pm

AUN

User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby tightrope » Sat Apr 16, 2011 7:00 pm

AUN

User avatar
Dudaaye
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 796
Joined: Wed Sep 03, 2003 7:00 pm
Location: Goldogob Distirict: leelkase State

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby Dudaaye » Sat Apr 16, 2011 7:07 pm

AUN sheika

Puntland is the hot spot for death, murder and assassination

Sweet Karma! Payback's a Bitch. Majerteen supported the murder of the Somalis You supported the Ethiopian invasion 2007

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby TheblueNwhite » Sat Apr 16, 2011 7:12 pm

and you happy that you write the topic ...your ppl killed him bunch of cowards soon we have to deal with you sooner or later

AUN Shiikh ismail
Sheik Ismacil was a friend of my uncle, they went to school together and I'm really saddened by his death. :(

What do you mean your people? do you know who killed him?

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby FBISOMALIA » Sat Apr 16, 2011 7:23 pm

AUN sheika

Puntland is the hot spot for death, murder and assassination

Sweet Karma! Payback's a Bitch. Majerteen supported the murder of the Somalis You supported the Ethiopian invasion 2007
dont worry days will come happy today tomorrow cry
and you happy that you write the topic ...your ppl killed him bunch of cowards soon we have to deal with you sooner or later

AUN Shiikh ismail
Sheik Ismacil was a friend of my uncle, they went to school together and I'm really saddened by his death. :(

What do you mean your people? do you know who killed him?


it says are from south galgcio militant if your galmudug dont stop this madness take my word we will coming soon

User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby Cirwaaq » Sat Apr 16, 2011 7:28 pm

AUN

it says are from south galgcio militant if your galmudug dont stop this madness take my word we will coming soon...
You believe everything you read?

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby FBISOMALIA » Sat Apr 16, 2011 7:37 pm

AUN

it says are from south galgcio militant if your galmudug dont stop this madness take my word we will coming soon...
You believe everything you read?
then explain who is behind this if not the pirates of south galgacio ,many time galmudug said we cant not handle them so give puntland the permission to clean them out or step down so someone do your job

User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: Allah u naxariisto Shiikh Ismaaciil

Postby abdisamad3 » Sun Apr 17, 2011 3:29 am

aun.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 9 guests