Page 1 of 2

US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sat Apr 30, 2011 1:28 pm
by FBISOMALIA
Image

Boosaaso, April 30 - Senator Mark Kirk oo ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd ka dhoofay maddaarka Bender Qaasim, kadib safar qaatay maalin oo uu ku joogay magaalada Boosaaso.

Senator Mark Kirk ayaa intii uu joogay magaalada Boosaaso waxa uu shirar kala duwan la qaatay madaxwaynaha dawladda Puntland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada. Odaygu waxa kale oo uu booqday goobaha muhiimka ah ee ku yaal magaalada Boosaaso, sida dekedda, wasaaradda maaliyadda, bankiga dhexe, maxjarka xoolaha iyo waliba xabsiga wayn ee magaalada Boosaaso.

Shirarka iyo dhaq-dhaqaaqa wafdiga ee magaalada Boosaaso ayaa labadaba waxa laga mamnuucay saxaafadda, haseyeeshee ilo ku dhow madaxtooyada oo ay Daljir la hadashay ayaa noo sheegay in booqashada oday Mark Kirk nuxurkeedu ahaa laba qodob oo muhiim ah.

Waa kan horee, in uu u dhabbo-galo xaaladda burcad-badeedda ka qowlaysata Puntland iyo sida ay dawladda Puntland uga go'antahay, guulana uga gaadhay la dagaalankeeda. Wafdiga ayaa loo sheegay in Puntland ay tahay meesha ugu badan adduunka ee ay ku xiran yihiin burcad-badeedda kuwaas oo kor u dhaafaya 300 oo maxbuus. Maxaabiistaa ayaa intooda badan waxa ay ku xiran yihiin xabsiga Boosaaso halkaa oo ka mid ahayd meelihii uu booqday Sanator Kirk.

Ahamiyad labaad ee safarka Kirk ayaa ahayd sidii uu ugu kuur-gali lahaa daganaanshaha iyo horumarka ka jira Puntland isla markaana ay Puntland uga faa'idaysan lahays siyaasadda xukuumadda madaxwayne Barack Obama ee ku aaddan Soomaaliya ee loo yaqaano siyaasadda labo-itijjaaha ah ama "Dual Track policy".

Wafdiga Senator Kirk oo Boosaaso soo gaaray saaka (Sabti) 7:30-kii subaxnimo ayaa shir-quraaceed ay ku qaateen aqalka madaxtooyada, goob-joogna ay ka ahaayeen madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada waxa si diirran loogu soo dhaweeyay Puntland, waxana halkaas loogu sharxay taariikhda Puntland, sababihii keenay asaaskeeda 1998-kii iyo waliba isbaddaladii dimuqraadiyadeed ee ay dhinaca maamulka ka soo martay tan iyo wixii ka dambeeyay muddadaas. Madaxwayne Faroole ayaa u sheegay wafdiga Senator Kirk in ay Puntland horumar la taaban karo ka gaartay barnaamijkeeda dimuqraadiyadaynta, waxana uu hoosta ka xariiqay in ay Puntland ka go'antahay, culayskasta oo jira, in ay hirgaliso nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka casriga ah.

Senator Kirk ayaa isna dhiniciisa sheegay sida uu ula dhacsanyahay horumarka iyo ammaanka ka jira Puntland, waxana uu qiray in Puntland tahay mandiqad istaahisha in gacan laga siiyo arimaha horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa uu sidoo kale ammaanay habka uu u shaqeeyo maamulka madaniga ah ee dhinacyada maaliyadda, canshuuraha iyo xisaabaaka.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay, inkasta oo aan wax isbaddal ah laga dareemin hannaan-socoka nolol-maal-meedka caadiga ah, iyada oo uu wafdiga Kirk si habsami leh uga kala-dhex-gooshayay daafaha magaalada intii uu ku guda-jiray indha-indhaynta xarumaha maamulka dawladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Waxa xusid mudan in Senator Mark Kirk uu yahay mas'uul la doorto oo Maraykan ah kii labaad ee ugu darajada sareeyay ee abid booqda Soomaaliya, marka laga soo tago booqashadii madaxwayne Goerge Bush-kii aabaha ahaa uu ku tagay magaalada Baydhabo sannadkii 1993-kii.

Sanator Mark Kirk waa oday ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, waxana uu soo galay aqalka odayaasha Maraykanka bishii November ee sannadkii tagay ee 2010-kii. Waxa laga soo doortaa magaalada Chicago, ee gobolka Illinois, kursiga uu hadda fadhiyana waxa horay u lahaan jiray madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama. Waxa uu ka tirsan yahay guddiga dhaqaalaha ee aqalka odayaasha, waxana uu sidoo kale xubin ka yahay gole-hoosaadyada maaliyadda iyo ammaanka aqalka odayaasha Maraykanka. Ka hor, laga soo bilaabo sannadkii 2001-dii, waxa uu ahaa mudane ka tirsan aqalka wakiillada.

Galabta 4:30 xilliga Afrikada bari ayuu Senator Mark Kirk iyo wafdigiisii oo ka koobnaa lix xubnood waxa ay dib ugu noqdeen magaalada Jabuuti, halkaas oo ay markii horeba kaga soo arooreen magaalada Boosaaso.

Diiwaanka Wararka,
Daljir

---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Boosaaso: Senator Kirk oo booqanaya Puntland; shir haatan ka socda xarunta madaxtooyada.

Boosaaso, April 30 - Waxa maanta magaalada Boosaaso soo gaaray wafdi heer saro ah oo ka socda dalka Maraykanka.

Wafdigan ayaa waxa hogaaminaya Senator Mark Kirk, waxana ay haatan shir albaabadu u xiran yahay ay la leeyihiin madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Wafdigan ayaa tobaadkii la soo dhaafay waxa uu booqanayay waddamo ku yaal gobolka Bariga Dhexe.

Sanator Kirk oo laga soo doorto gobolka caanka ah ee Illinois waxa uu ka tirsan yahay guddiga dhaqaalaha ee Senate-ka Maraykanka.

Wixii faahfaahin ah ee ka soo baxa shirka haatan ka socda madaxtooyada Puntland ee
Boosaaso dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa.

Diiwaanka Wararka,
Daljir,

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sat Apr 30, 2011 1:29 pm
by FBISOMALIA
Gaalkacyo (RBC Radio):- Senator Mark Kirk oo ka tirsan Aqalka odayaasha ee dalka Mareykanka ayaa maanta gelinkii dambe ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Banderqaasim ee magaalada Boosaaso kadib booqasho hal maalin qaadatay oo uu ku yimid Puntland.

Mr, Mark Kirk ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland soo gaarey subaxnimadii saaka, waxaana magaalada Boosaaso ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Senator Mark Kirk ayaa booqasho hal maalin qaadatay ku joogay magaalada Boosaaso, waxayna shirar muhiim ah oo saxaafada aan loo ogolaan ku qaateen Aqalka Madaxtooyada dowladda Puntland ee magaalada Boosaaso, waxayna Madaxda Puntland iyo Senator Mark Kirk ka wada hadleen arimaha burcad badeeda, amaanka iyo horumarka Puntland iyo taageerada dowladda Mareykanka ee ku wajahan Puntland.

Shirarka dhexmaray Madaxda Puntland iyo Senator Mark Kirk marka laga tago, waxaa wafdiga Senator-ka ay booqasho ku soo kala bixiyeen xarumaha dowladda Puntland ee ku yaala magaalada Boosaaso, waxaana goobihii ay booqdeen ka mid ahaa Xabsiga dhexe, Maxjarka Xoolaha, Dekeda, Garoonka Diyaaradaha, Bangiga dhexe iyo Wasaarada Maaliyada dowladda Puntland.

Senator Mark Kirk ayaa ah Oday ka tirsan xisbiga Jamhuuriga waxaana laga soo doortaa magaalada Chicago ee dalka Mareykanka, waxaana Senator-ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka ka jira deegaanada Puntland, isagoo intaa ku daray in Puntland ay yeelan doonaan xiriir wanaagsan oo ku saleysan taageero si loo sii balaariyo horumarka ka jira Puntland.

Waa wafdigii ugu balaarnaa oo ka socda dowladda Mareykanka oo soo gaara deegaanada Puntland tan iyo markii la dhisay maamulka Puntland oo hadda 13 sano jirsaday, waxaana dadweynaha Puntland ay u arkaan guul u soo hoyatay maamulka iyo shacabka Puntland.

RBC Radio.

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sat Apr 30, 2011 1:31 pm
by FBISOMALIA
Senator Steven Mark Kirk oo booqasho ku tagey Puntland

Wafti ka kooban 5 xubnood oo uu hogaaminayey Senator Mark Steven Kirk oo kasoo gala gobolka Illinois ee dalka Mareykanka ayaa maanta 30 April,2011 booqasho ku yimid Puntland magaalada Bosaso.

Waftigan ayaa waxaa uu kulan albaada u xiran yahay la yesheen Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamad Farole.

Waftigaan ka socda aqalka odayaasha Mareykanka [Senet] ayaa booqdey dekada magaalda Bosaso, Maxjarka, Wasaarada Maaliyada, xarunta ciidamada Badda Puntland [PMF] iyo xarunta ciidamada PSF kuwasoo dhamaantood si wanaagsan ugu kuur galeen howlihii ka socdey halkaas lana kulmeen madaxdii ku sugneyd goobahaas.

Senator Steven Mark Kirk oo loo doortey aqalka odayaasha dowlada Mareykanka November 2, 2010 ayaa ka tirsan guddiyo kala duwan kuwaasoo ugu muhuumsan yahay kan qaabilsan ciidamada Badda.

Boqashada Senator Mark Steven Kirk ayaa ka dhigeysa midii ugu horeysay sarkaal ka tirsan dowlada Mareykanka ku yimaado dalka Somalia gaar ahaan Puntland tan iyo intii ciidamada Mareykanku ka baxeen Somalia.

GAROWEONLINE

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sun May 01, 2011 10:59 am
by quark
:up:

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sun May 01, 2011 11:05 am
by damu
Image

Image

Image

Image

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sun May 01, 2011 11:08 am
by damu
Image

Image

Image

Image

Image

Image

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sun May 01, 2011 11:11 am
by damu
Image

Image

Image

Image

Image

Image

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sun May 01, 2011 11:17 am
by ToughGong
Nice pics :up: ,waxaa u ursanayaa waa maxey

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sun May 01, 2011 11:19 am
by damu
Nice pics :up: ,waxaa u ursanayaa waa maxey
its gum arabic!

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sun May 01, 2011 11:26 am
by ToughGong
damu what's the Somali name for Gum Arabic.shaley ayaanu qof isku heysaney
Ma xulbadbaa

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sun May 01, 2011 11:39 am
by damu
damu what's the Somali name for Gum Arabic.shaley ayaanu qof isku heysaney
Ma xulbadbaa
beeyo :up:

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sun May 01, 2011 11:41 am
by ToughGong
^
That's what I thought

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sun May 01, 2011 1:52 pm
by FBISOMALIA
good pictures bro :up:

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sun May 01, 2011 5:09 pm
by FBISOMALIA
Image
Senator Kirk visiting Finance Ministry cool building 8-) :up:

Re: US Senator Mark Kirk visit puntland

Posted: Sun May 01, 2011 7:53 pm
by samadoon-waaxid
damu what's the Somali name for Gum Arabic.shaley ayaanu qof isku heysaney
Ma xulbadbaa

its lubaan