Kulan Ay Isugu Yimaadeen Jaaliyadda Gobolka Bari Qaarkood Oo Ka Dhacay Minnesota (USA) Sawiro
Jaaliyadda Beesha Axmed Harti ee Maraykanka Gaar ahaan minnesota ayaa yeeshay Kulan looga Hadlayay Arimo Badan oo Muhiim ah .
Kulankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa uu ka dhacay Dalka maraykangaar ahaan minnesota Waxana ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Waxgaradka,Culima´udiinka,Aqoonyahanada ,Dhalinyarada,Haweenka iyo saxaafada
Qeybateeda kala duwan waxaa na looga hadlayo Qodobo badan oo mahiim ah sida .
1- In Gurmad deg deg ah Lagaar siiyo Dadka abaaruhu Saamayyeen ee ku Nool Dalka Somaliya.
2- In Xiriir Joogta ah lala Yeesha Dhamaan Wax Garadka ku Sugan dalka Somaliya Gaar ahaan Gobolka bari.
3 -In Shirar joogta ah la Qabto bishii ba Hal mar Ama labo Mar.
4-In la Samayyo Urur Gaar ah oo Ay ku Midaysan yihiin Dhamaan Haweenka Beesha ee Ku Dhaqan Dalka Maraykanka.
Shirkan ayaa ahaa mid si wanaagsan kusoo Dhamaaday Waxaana dib loo balamay in dhamaadka bishan April mar kale la kulmo si Howsha halkaas looga sii wado.







