Wafti uu hogaminayay Silanyo oo waji gabax la kulmey
Wafti uu hogaminayo Madaxweynaha maamulka Somaliland oo sheegtey inuu gooni isu taagey ayaa booqasho uu dhowaan ku tagey wadanka Kuwait kala kulmey wajigabax kadib markii calanka Somalia laga taagey dhamaan xafiisyadii uu kula kumayey madaxda dalkaas.
Boqorka Kuwait ayaa diidey inuu la kulmo Madaxweynaha Somaliland isagoo sheeganaya inuu ka goostey Somalia inteeda kale iyadoo calanka Somalia ka lulanayey goobtii kulankaas ka dhacey.
Madaxweynaha Somaliland oo Idaacada BBC waydiisay sida waftigiisa u arkey mowqifka dowlada Kuwait ayaa sheegey ineysan wadankaas u tagin aqoonsi raadis balse howlo kale u joogeen halkaas waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dowlada Kuwait iyo wadamada Carbta ayaa si ba'an u diian in Somalia la kala gooyo iyadoo taasi sababtey in maamulka Somaliland ku hungoobo aqoonsi ay u helaan gooni isu taag.
GAROWEONLINE



