Boosaaso(Puntlandi.com);- Odayaasha iyo waxgaradka Degmada Galgala ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada markale ka soo cusboonaaday dhulkaasi.
Qaarkamid waxgaradka tuulada Galgala ayaa sheegay in ay aad ugu xunyihiin in markale halkaa dagaalo ka qarxaan waxaana ay sheegeen in loo baahanyahay in loo dhimriyo dadka deegaanka lagana dulqaado colaado.
Waxaa ay sheegeen in wax luga aysan kulahayn dagaalka waxaana sidoo kale ay sheegeen in aysan ogayn ujeedooyinka uu udagaalamayo Maxamed Siciid Atam.
Galgala ayaa haatan waxaa dib uga soo ruqaansaday ciidamada daraawiishta dawlada Puntland waxaana si teel teel ah tuulada u soo galay maleeshiyaadka Maxamed Siciid Atam.
Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in guntiga ay uxiranayaan waqtigan sidii ay uga hortagilahaayeen dagaal markale halkaa ka qarxa



