Page 1 of 1

clean milk day in garowe

Posted: Sun May 15, 2011 7:54 am
by FBISOMALIA
Image

Garowe (RBC Radio):- Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ay ka dhacday
Hoolka shirarka ee Jaamacada PSC ee Garoowe, Waxaana soo qaban qaabisay Hay,ada VSF GERMANY oo Kaashanaysa Midowga Yurub ( EC) .

Ujeedada Xaflada ayaa ahayd Nadaafada Caanaha Xoolaha ,Waxaana ka soo Qaybgalay Qaybaha kala Duwan ee Bulshada sida Madaxda Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanka, Kooxda Fanka & Hooyooyinka ka Ganacsada Caanaha.

Munaasabada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay C/raxmaan Siciid C/raxmaan oo ka mid ah Saraakiisha Hay,ada VSF ayaa sharaxaad ka siiyey ka qaybgalayaasha Barnaamijkan wacyigelinta Caanaha waxaana uu ku soo dhaweeyey , Madaxa Mashruuca Caanaha ee Hay,ada VSF Germany Mr. Soloman waxaana uu ka warbixiyey Barnaamijkan Nadaafada Caanaha Xoolaha Dalka Soomaaliya oo dhaqaalihiisu ku xiranyahay Xoolaha Nool

Hodan Maxamuud Cilmi oo ah madaxa Mashruuca Caanaha ee Hay,ada VSF Germany ayaa sharaxaad ka Bixisay wax soo saarka Caanaha Xoolaha oo ay sheegtay in Hay,adu ka gaartay ilaa hada guulo waaweyn oo la taaban karo.
Image
Hodan waxaa ay sheegtay in maanta loo aqoonsaday Maalinta Nadaafada Caanaha Xoolaha ,waxaa kaloo ay sharaxaad ka bixisay noocyada Caanaha xoolaha oo u kala baxa noocyo aad u Fara Badan.

Kooxda Fanka ayaa soo Bandhigtay Riwaayado iyo Heeso ay ku wacyi gelinayaan Bulshada in ay cabaan oo ay helaan Caano Nadaafadooda la Dhowray, isla markaana lagu keydiyey weelal nadiif ah oo loo diyaariyey
Image
DR, C/risaaq Jaamac Geesdiir oo ah Xiriiriyaha Guud ee Mashruuca Hilibka Soomaaliyeed ee Hay,ada VSF Germany ayaa lagu soo dhoweeyay Gabagabadii Hadalka waxaana uu sheegay in ay Caanuhu yihiin lafdhabarka Nolosha Dadka Soomaaliyeed , Gessdiir waxaa uu si gaara ula hadlay Hooyooyinka ku howlan iibinta Caanaha, waxaana uu sheegay in ay dhowraan had & jeer Nadaafada Caanaha waayo buu yiri waxaa haleela Jeermis daran oo ka dhasha qalabka loo adeegsanayo Caanaha sida Caagaga & Jirigaanada.