Xayo Maxamadow lagaa waswaas xaalka reer mudugee.
Waa meelan la xasuusaneyn xaajo aakhiree.
Waa meel xasaarad foolxuniyo xumo ku beermeene.
Waa meel xakaamada sharciga la xaqiraayee.
Waa meelan seeddi xurmo weyn la xarageysineyn.
Waa meel xabiib wada dhashiyo xididba eedeene.
Waa meel xigaal kaad tihiin xaasid ku yahaye.
Waa meel xiriirki tolnimo xarigga lo goynee.
Waa meel xilki laga tegan laga xishoneyne.
Waa meel xaqiiqadii runta xaqaan la shegeynee.
Waa meelay xaarantu tahay sidii xalaashiye.
Waa meel xadgudub joogo iyo xilo kurbeeneed.
Waa meel xarquun doon u yahay kii xarshaashihiye.
Waa meel xifaaliyo denbiyo xaniin ka buuxdaaye.
Waa meeluu xoleysan lacag xaakim kii ihiyee.
Waa meel xirfo ba dhigtaa xeelad iyo ceebee.
Waa meel ninkii xoog yaraa xadaan ku joogayee.
Waa meel xaraashiyo dhaciyo xogsi la hayaayee.
Waa meel xayaatiyo dadnimo ka xadfanaadanee.
Waa meel midkaad xur u tiqiin xabash ka liitaayee.
