
Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa maanta si rasmi ah ufuray imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare iyo fasalka sideedaad ee dugsiyada dhexe ee Puntland.
Wasiirka waxbarashada iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo ay ka mid yihiin wasiiru dowlaha maamul wanaaga,wasiir ku xigeenka deegaanka,wasiirka xanaanada xoolaha iyo duqa degmada Garoowe ayaa saaka booqday dugsiga sare ee Ganbool ee magaalada Garoowe,halkaasi oo ay dhigtaan intabadan ardayda ku nool magaalada Garoowe.
Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa oo ugu horeyn furay warqada imtixaanka ayaa sheegay in dhamaan dugsiyada ku yaala deegaanada Puntland loo fariistay imtixaankii sanad dugsiyeedka waxaana uu ka warbixiyay wasiirka inta arday ee u fariisatay imtixaanka maanta furmay
Wasiirka Waxbarshada Puntland ayaa sheegay in fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee Puntland ay u fariisteen 1524-arday oo isugu jirta gabdho iyo wiilal.
Fasalka sideedaad ee dugsiyada dhexe ee Puntland ayaa waxaa uu sheegay inay u fariisteen 4300-arday oo ka kooban gabdho iyo wiilal.
Duqa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland C/casiis Nuur Cilmi oo goobta laga furayay imtixaanaadka dugsiyada ee magaalada Garoowe ka hadlay ayaa sheegay in ardayda maanta u fariisatay imtixaanka looga baahanyahay inay la yimaadaan natiijooyin ka wanaagsan natiijadii sanadkii hore ee ardayda imitixaanka u fariistay
Madaxwaynaha Puntland oo qadka teelafanka uga soo qaybgalay furitaanka imtixaanaadka ee dugsiga Ganbool ee magaalada Garoowe ayaa sheegay inuu u rajaynayo ardayda inay ku guulaystaan imtixaanka.
Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka Horseedmedia
Garoowe-Puntland



