Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dowladda Puntland sheegtay inay baarayso tayada shaqaalaha

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Dowladda Puntland sheegtay inay baarayso tayada shaqaalaha

Postby FBISOMALIA » Thu May 26, 2011 11:19 am

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay wado qorshe ku saabsan sidii loo ogaan lahaa tirada iyo tayada shaqaalaha Dowladda Puntland iyo hay’adaha samafalka ee ka howlgala deegaanada Puntland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda Puntland Siciid Daahir Qodax oo shir jara’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegay inay wasaaradda ay laba gudi u xilsaartay inay soo ogaadaan tirada iyo tayada shaqaalaha dowladda Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in 19-kii bishan ay wasaaradda ay magacawday gudi ka kooban afar xubnood oo loo xilsaaray inay soo ogaadaan tayada iyo aqoonnta shaqaalaha dowladda Puntland waxaana uu sheegay in gudigaasi ay kala yihiin:

Cali Samatar Guhaad Gudoomiye
Barni Ciise Axmed Xubin
Saleebaan Maxamed Ismaaciil Xubin
Faadumo Maxamed Yuusuf Xubin

Gudiga loo xilsaaray hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa kala ah:

Ayaan Caydaruus Gudoomiye
Maxamed Cismaan Ciise Xubin

Waxaa uu sheegay wasiir kuxigeenka shaqada iyo shaqaalaha ee Dowladda Puntland in arimahan ay salka ku hayaan sidii wasaaradda ay u ogaan lahayd tirada rasmiga ah ee shaqaalaha u shaqeeya dowladda Puntland, qaabka ay u shaqeeyaan,shaqsiyaada ay u shaqaalaysanyihiin,tirakoobkooda iyo waajibaadka waxyaabaha loo igmaday.

Wasiir kuxigeenka shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland Saciid Daahir Qodax ayaa intaasi ku daray in dhamaan gudiyada ay magacaabeen ay si toos ah u bilaabeen howladooda shaqo waxaana uu sheegay inay diiradda saari doonaan shaqooyinka shaqaalaha dowladda iyo ha’adaha samafalka.

Si kastaba waa markii ugu horeysay ee dowladda Puntland ay sheegto inay u kuurgalayso tayada shaqaalaha dowladda iyo hay’adaha ka howlgala deegaanada Puntland,waxaana hadii arintani lagu guulaysto ay keeni kartaa inay wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha Puntland inay ka howlgalaan shaqaalo ka dhowrsoon musuqmaasuqa iyo aqoon daro.


Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland.

Horseed Media

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests