Galkacyo(Puntlandi.com);- Mamulka Gobolka Mudug ayaa maanta tababar ufuray ciidamo madaniya oo laga soo uruuriyay xaafadaha magalada Galkacyo kuwaa oo loogu talagalay in ay kaqaybqaataan sugida amaanka Gobolka Mudug.
Madasha ciidamadan tababarka loogu furayay ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxda Gobolka Mudug uu horkacaya Maxamuud C/raxmaan Cuuke waxaana halkaa ay kajeediyeen hadalo dar daaran ah oo ku aadan in si cadaalada dalka iyo dadka loogu shaqeeyo.
Godomiyaha Cuuke ayaa ciidamadan iyo qaybaha kale ee mamulka ku booriyay in ay guntiga u xirtaan sidii ay uga guulaysan lahaayeen kooxaha falalka amaandara gaysta waxaana uu ku baaqay in si cadaalada iyo hufnaan ku dheehantahay shaqada loo wado.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay taliyaha Qaybta policka Gobolka Mudug G/Dhexe C/rashiid Cadceed waxaana uu sheegay in ciidamadan tira ahaan gaarayaan ilaa 30ruux waxaana uu sheegay in si toosa ay ula shaqayndoonaan ciidamada policka.
Ciidamadan tababarka loo furay ayaa waxaa looqaybiyay darays ciidan waxana xiliga ay tababarka soo idlaystaan lagu wareejindoonaa qalab kale oo ay kamidyihiin taleefano ay kuwada xiriiraan xiliyada ay hawlgalada kujiraan.
Qorshahan ayaa ah mid uu layimid mamulka cusub ugana goleeyahay in uu gacan adag ku qabta amaanka Gobolka mudug waxaana sidoo kale haatan mamulka ku guulaystay in waxbadan uu kaqabto dhinaca amaanka.




