Nairobi:(Allpuntland)-Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo qeyb ka ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee dhawaan la kulantay golaha amaanka ee qaramada midoobey ayaa ka hadlay Puntland & qaramada midoobey arimihii ugu muhiimsanaa ee ay isku soo qaadeen, isagoo Faroolaha Puntland sheegay in ay golaha Amaanka kala hadleen arimo badan oo ku saabsan Aayaha Soomaaliya, sida ay muhiimka u tahay in Soomaalidu ay tashato, qabashada doorashooyin uu sheegey in loo baahanyahay in madaxda imika lagu badalo & arimo kale oo quseeya xaalada Puntland.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole wuxuu sheegey in ay golaha Amaanka kala hadleen Puntland & jiritaankeeda isagoo sheegey inay golaha uga warbixiyeen sida ay xasiloonada & hormarka lataaban karo uga jiraan deegaanada Puntland, isagoo intaas ku daray inay ka warbixiyeen dagaalada ay kula jiraan Burcad Badeeda ka qaraabata xeebaha Soomaalida, ururo Islaamiyiin ah & kooxo kale oo amaanka Puntland kasoo horjeeda, Isagoo docda kalena sheegey inay golaha Amaanka u sheegeen in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya xili ay Somaliland golaha amaanka ka codsatay in la aqoonsado.
"Golaha Amaanka waanu u sharaxnay dagaalada aanu ku jirno, runtiina way noo muujiyaan inay na taageeri doonaan.... Sidoo kale golaha amaanka waxaanu u sheegnay in Soomaaliyi aysan marna kala go'i karin, Waxaanuna u sharaxnay Soomaalida & sida ay isugu dhexjiraan.. waxaanu ka codsanay inay midnimada Soomaalida ilaaliyaan aysana ku xadgubin, runtii taas way nala qaateen Waxayna noo sheegeen inaysan marna Soomaali kala goyn doonin oo ay Midnimadeena ilaalinayaan qoladii Somaliland ee meesha joogtayna taasay u sheegeen"Ayuu yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo u ekaa inuu lahaa fikirna intabadan qodobadii kasoo baxay shirka Nairobi.Cabdiqani Xayir
Allpuntland




