Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

GAROOWE: Wasiirka warfaafinta Puntland oo ka hadlay dagaalki

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

GAROOWE: Wasiirka warfaafinta Puntland oo ka hadlay dagaalki

Postby FBISOMALIA » Mon May 30, 2011 9:51 pm

Garoowe: (pp)- Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar oo shir jaraa’id oo caawo ku qabtay xarrunta madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey dagaalkii gardarada ahaa ee ay Ismaamulka Soomaliland ku soo qaadeen ciidamada Puntland eeku sugan Gobalka Soo,l gaar ahaan deegaanka Gambara ee duleedka Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool.

Wasiirka ayaa dagaalkaas ku eedeeyey Maamulka isku magacaabay Soomaliland iyo Dowlada Federaalka ee ka dhisan Magaalada Caasimada ah ee muqdisho isaga oo intaas kudaray in Ismaamulka Soomaliland ay saaka dagaal gardaro cad ku soo qaaday ciidamada Puntland ee ku sugan jiida hore ee Gambara taas oo ay jawaab cad ay kaga bixiyeen ciidanka Puntland ee aagaas fadhiyey.

Wasiirka ayaa yiri “‘Maamulka Soomaliland waxaa uu hurinayaa dagaal iyo colaado dhexmara Soomalliland iyoPuntland balse waxaanu cadayneynaa in soomaliland ay gacan saar la leedahay kooxda Argagixisada ah ee ku jira buuraha Galgala ee Gobalka Bari iyaga oo gacansiinaya kooxdaas dagaalka kula jira Puntland.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wada ayaa yiri mar kale ” Soomaliland waxaanu ognahay in ay gacan siiso kooxda argagixisada ah ee ka dagaalamaya buuraha gobalka Bari iyaga oo siyaabo kala duwan u gacan siiya kooxaha buurahaas ku jira, balse waxaa ayse Dowlada Puntland u dul qaadan doonin faragalinta iyo weerarada ay markasta Soomaliland ku soo qaado deegaanada Puntland ee ay Amaanku ka jiro.

Axmed Cali Wasiirka Warfaafinta ayaa intaas ku daray in dagaalkii saaka dhexmaray ciidamada Puntland iyo ciidamada weewerarka gardarada ah ku soo qaaday ciidamada Puntland in uu yahay mid aysan Puntland u dul qaadan doonin inweeraro cad oo gardaro ah lagu soo qaado ciidamadooda iyadoo in badan ay u dulqaadatay puntland faragalinta iyo weerarada gardarada ah ee ay sooqaadeen Maamulka soomaliland.

Mar uuWasiirku ka warbixiyey khasaarada ka dhashay dagaalkaas ayuu sheegay indhankooda ay ka dhinteen 3 arkari balse ay khaasro u gaysteen ciidamadii weerarka ku soo qaaday ee Soomaliland islamarkaasna gaadiid dagaal ay kaqabsadeen maamulka Soomaliland, Sidookale waxa uu Wasiirku dagaalkaas ku eedeeyey Dowlada federaalka isaga oo sheegay in ay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Gambara ee Gobalka Sool ayqayb ka ahaayeen iyaga oo horay u cadaystay in ay soo maleegayaan dagaaladaas iyo colaadahaas ka soo cusboonaaday Gobalka Sool Maamulka Soomaliland iyo Dowlada Federaalka ee Muqdisho oo iskaashanaya.

Dagaalkaas ayaa waqtigii uu socday waxay ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen oo kale nin sheegtay inuu sarkaal sare ka ahaa ismaamulka la magac baxay Somaliland, ninkaas oo seegay inuu basaas u ahaa Ismaamulka Somaliland, laguna xayo xabsiga magaalada Garoowe.

SiciidC/salaam Siciid

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests