Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Shaqaalaha Dowladda Hoose Gaalkacyo Oo Hormarin Lagu Sameeya

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Shaqaalaha Dowladda Hoose Gaalkacyo Oo Hormarin Lagu Sameeya

Postby FBISOMALIA » Wed Jun 01, 2011 11:27 am

Image

Gaalkacyo (RBC Radio):- Xaflad balaaran oo ka dhacdey gudaha Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo tan iyo intii la soo magacaabay.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke, Gudoomiye xigeenka Guddiga Mudane Daahir Maxamuud Muuse, Xoghayaha Dowladda Hoose Axmed Xasan Aadan iyo dhamaan Saraakiisha iyo Shaqaalaha dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.

Xaflada ayaa waxaa soo xaadirey shaqaalaha dowladda hoose qeybahooda kala duwan oo si heer sare ugu soo lebistay dharkii lagu yaqaaney shaqaalaha dowladda hoose qeybtooda canshuurta qaada iyo kuwa ka shaqeeya nadaafada iyo hagaajinta bilicda, kuwaasi oo aan horey lebiska noocaasi ah u heysan.

Shaqaalaha qaada canshuuraadka ee ka tirsan dowladda hoose ayaa markii hore ku shaqeyn jiray lebiska ciidanka ee Tuutaha loo yaqaan haatanse waxaa loo xiray lebiskii ku haboonaa ee ay ka muuqato astaanta dowladda hoose, waxaana sidoo kale lebis qurxoon loo xiray dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya hagaajinta bilicda iyo nadaafada.

Gudoomiye xigeenka Guddiga Amniga & Horumarka G/mudug Mudane Daahir Maxamud

Gudoomiye xigeenka Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Daahir Maxamuud Muuse ayaa waxaa uu ka hadley munaasabada wuxuuna ka waramay waxqabadka dhabta ah ee maamulku ka sameeyay magaalada Gaalkacyo tan iyo intii la soo magacaabay mudo bil ka hor.

Mudane Daahir waxaa uu sheegay in ay wax ka qabteen biyaha wasakhda ah ee dariiqyada fariista, isla markaana ay fureen biya booliyadii oo ay ku shubeen biyihii fariisan jirey wadooyinka, wuxuu sidoo kale sheegay in nadaafada wax badan ay ka qabteen gaar ahaan in si xowli ah magaalada qashinka looga daabulay isla markaana ay soo iibiyeen gaari cusub oo nadaafada ka qeyb qaata.

Image

Sidoo kale wuxuu Gudoomiye xigeenku sheegay in ay dayactir balaaran ku sameeyeen Taliska Qeybta Booliska G/mudug, Xabsiga dhex ee magaalada oo koronto la galiyey, Saldhigyada ciidanka oo iyaguna dib loo hagaajinayo iyo dib u habeyn guud oo lagu sameeyay ciidamada dowladda hoose, madaniga iyo kuwa Booliska.

Xoghayaha dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo Axmed Xasan Aadan ayaa ka mahad celiyay sida Guddiga Amniga Gobolka Mudug ay u wadaan shaqooyinka ku saabsan horumarka Gobolka Mudug, wuxuuna intaa ku daray in dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo iyo shaqaalaheed ay diyaar u yihiin in ay shaqeeyaan har iyo habeen maadaama ay ka shaqeynayaan horumarka iyo amniga Gaalkacyo.

Pwani
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 677
Joined: Tue Feb 22, 2011 4:11 am
Location: Take ur somalia and shove it up in ur black ass, im puntlander first mkenya second......
Contact:

Re: Shaqaalaha Dowladda Hoose Gaalkacyo Oo Hormarin Lagu Sam

Postby Pwani » Wed Jun 01, 2011 11:55 am

wlhi they look good masha allah..the new admin is really good :som: :up:

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Shaqaalaha Dowladda Hoose Gaalkacyo Oo Hormarin Lagu Sam

Postby FBISOMALIA » Wed Jun 01, 2011 12:08 pm

wlhi they look good masha allah..the new admin is really good :som: :up:
puntland move forward always :up:

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Shaqaalaha Dowladda Hoose Gaalkacyo Oo Hormarin Lagu Sam

Postby quark » Wed Jun 01, 2011 12:13 pm

:som: :up:

User avatar
jamols2
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 596
Joined: Tue Feb 24, 2009 9:31 am

Re: Shaqaalaha Dowladda Hoose Gaalkacyo Oo Hormarin Lagu Sam

Postby jamols2 » Wed Jun 01, 2011 2:04 pm

Masha Allah news :up: :som:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests