Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo dad loo soo qabtay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo dad loo soo qabtay

Postby FBISOMALIA » Fri Jun 03, 2011 11:37 am

Saraakiil katirsan ciidmada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ka badbaaday qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo u muuqday in lagu bartilaameedsanayay gaadiid ay saarnaayeen xilli ay marayeen xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Cabdirashiid Cadceed Gelle oo qaraxa markii uu dhacay kadib la hadlay Horseed Media ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaasi uu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda,taasi uu sheegay in la doonayay in lala bartilmaameedsado saraakiisha amniga gobolka Mudug oo uu ka mid ahaa taliyihii hore ee qaybta booliska gobolka Mudug Muuse Axmed Cabdiraxmaan (Xasaasi)

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ay sameeyeen howlgal balaaran oo lagu soo qab qabtay dad lagu eedeynayo inay ka dambeeyeen qaraxa,waxaana uu sheegay taliyaha in dadkaasi ay ku socoto baaritaan islamarkaana wixii ka soo baxa baaritaankooda ay goor dambe sheegi doonaan.

Mar Horseed Media ay waydiisay tirada dadka loo soo qabtay qaraxan ayaa waxaa uu diiday in si rasmi ah uu u sheego tirada,waxaana uu sheegay inay ciidamada amaanka ee magaalada gaalkacyo ay wali howlgalo ka wadaan magaalada Gaalkacyo kaasi uu sheegay in lagu sugayo amaanka.

“ma jirto balaayada cid aan ku eedeyn karno waayo hadii aan ogaan lahayn gabalka nooguma dhacayn”ayuu yiri taliyaha oo ka jawaabayay inay cida ay la xiriirinayaan falkan qaraxa ah ee maanta ka dhacay magaalada Gaalkac yo.

Qaraxan oo aan geysan wax khasaaro ah ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay uu soo wanaagsanayay amaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,kadib falal amni daro oo horay uga dhacay magaalada.

Horseed Media

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests