Garowe ( RBC Radio) Wasiirka amaanka dawlada Puntland general Yuusuf Axmed Kheyr oo maanta hadal siinayay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka reer Puntland looga baahanyahay in ay meel ugasoo wada jeestaan xasiloonida iyo sugida amaanka, waxaana wasiirka amaanka uu sheegay in qof kasta uu xil kasaaran yahay difaacida dalka iyo dadka islamrkaana ay lashaqeeyaan hay’adaha uxilsaaran sugida amniga.
Dhinaca kale wasiirka amniga waxaa sidoo kale uu sheegay in hay’adaha amniga ay markasta heegan ugu jiraan in ay kahortagaan waxkasta oo qalqal ku noqonkara amaanka iyo xasiloonida Puntland..
Hadalka kasoo baxay wasiir amniga Puntland G. Yuusuf Axmed Kheyr ayaa noqonaya mid lagu adkeenayo amniga Puntland oo dhawaan meelo kamid ah ay dhaceen weeraro lagu fashilanayo xasiloonida kajirta Puntland.
Ma Cada Waxa Soo Dadajiyay hadalka ka soo Baxay Mudane Yusuf Axmed Khayr,waxyse ku soo Beegmaysaa xili Dhawaan Gudoomiyaha Gobolka Sanaag uu sheegay in Ciidamda ka dagaalamaya Buuraleyda Galgala ka amar qaataan Maamulka somaliland.
Maxamuud Siciid Nuur ayaa sheegay in Ciidamda dawalada Puntland ee ku sugan Buuraleyda Galgala Dagaalka ay La Galeen Ciidamda Somaliland Yahay Mid Iska Cad Isla Markaasina aysan jirin Kooxo Argagaxiso ah oo Halkaasi ku dhuumaleysta.
Ugu danbeytiina hadalka ka soo baxay Wasiirka amniga Puntland ayaa iminaya iyadoo dhawaan geesta kale dagaal Xoogan uu ka dhacay Deeganka Tukaraq oo Haatan Fadhiisin U ah Dawalda Puntland Ciidamadeeda ka soo baxay Laascaano.
C/wali Maxmed Sheikh
RBC Radio Garowe