Gaalkacyo (RBC Radio):- 11 ruux ayaa geeriyootey 13 kalena waxaa soo gaarey dhaawac kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo ka tagey deegaanada Galmudug ay gaari rakaab ah ku rasaaseeyeen duleedka deegaanka Balibusle ee gobolka Mudug.
Dadka geeriyoodey iyo kuwa la dhaawacay ayaa waxay ahaayeen dhamaantood dadkii saarnaa gaari rakaab ah oo ka tagey magaalada Gaalkacyo kuna sii jeeday degmada Jariiban ee gobolka Mudug.
Maleeshiyaadka ka tagey deegaanka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in ay gaariga u galeen jidka gaar ahaan duleedka deegaanka Balibusle, waxaana wararku intaa ku darayaan in gaariga ay ku dhifteen qoriga Baasuukaha loo yaqaan halkaasi oo uu ka dhashay khasaaraha dhimasho ee 11 ruux iyo dhaawaca 13 kale.
Dadka geeriyoodey ayaa u badan haween iyo caruur, waxaana ku jira dadka geeriyoodey hooyo iyo cunugeed oo dhowaan ay dhashay, waxaana gurmad caafimaad oo deg deg ah u fidiyey Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug, waxaana loo diray gaadiidka gurmadka deg dega ah oo soo daad gureeyay dhaawaca iyo dhimashada.
Ma aha markii u horeysay oo maleeshiyaad ka soo talaabay deegaanada Galmudug ay jidka u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Jariiban wax ku dhibaateeyaan, waxaana arintani ay ku soo beegmaysaa xilli maalmo ka hor xoolo dhaqato reer Puntland ah ay maleeshiyaadka Galmudug ku dileen duleedka deegaanka Godod.
RBC Radi0.



