Dowladda Puntland iyo wafdi kasocda QM oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa yeeshay kulan looga hadlayo qaxootiga Somaliyeed ee ku dhibaataysan dagaalada ka socda dalka Yemen.
Kulankan oo dhexmaray masuuliyiin katirsan wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo madaxa hay’adda UNHCR ee Somaliya oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa looga hadlay sidii dowladda Puntland ay gacan uga gaysan lahayd in qaxootiga Somaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Yemen dib loogu soo celin lahaa dalka Somaliya iyadoo la adeegsanayo dekedda Boosaaso.
Madaxa hay’adda UNHCR ee Somaliya Bruno Gedo oo saxaafada kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Puntland ay kala hadleen sidii dib loo soo celin lahaa qaxootiga Somaliyeed ee ku dhibaataysan rabshadaha ka jira dalka Yemen,waxaana uu sheegay in hay’adda UNHCR ay arintan kala kaashan doonto hay’adaha DRC,NRC iyo OCHA
Waxaa uu sheegay Bruno Gedo inay samayn doonaan qorshe lagu diiwaan galinayo qaxootiga ka soo cararaya rabshadaha dalka Yemen ee soo gaaraya magaalada Boosaaso,waxaana uu xusay in dadkaasi dhamaantood loo samayn doono hoy iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha sida hoy cunto iyo biyo.
Arintan ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Boosaaso ay si isdaba joog ah u soo gaarayaan qaxooti Soomaliyeed oo ka soo cararaya rabshadaha ka dalka Yemen,waxaana qaxootigaasi ka soo cararay dagaalada Yemen lagu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso.
Horseed Media



