Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Puntland & Hay’adaha Caalamiga Oo Xarunta PDRC Garowe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Puntland & Hay’adaha Caalamiga Oo Xarunta PDRC Garowe

Postby FBISOMALIA » Wed Jun 15, 2011 10:26 pm

Qaybgalay Madaxda Wasaaradaha Qorshaynta, Cadaalada, Warfaafinta, Arrimaha Gudaha ,Amniga ,PDRC, UNDP, UNHCR & NRC .

Waxaana looga arinsanayey Fulinta Mashruuc lagu magaacabo Peace Building Fund (PBF) oo dhaqaalihiisa ay soo marsiinayso Hay,ada Qaramada Midoobay u Qaabilsan arimaha Qaxootiga ee UNHCR & UNDP, Goobta waxaa lagu soo Bandhigay xogta iyo wax qabadka Wasaaradahaas & Hay,adaha ka soo Qaybgalay Kulanka ee la xiriirta Dadka soo Barakacay.

Daa’uud Maxmed Cumar Wasiirka Qorshaynta Puntland ayaa si Rasmi ah u Furay kulanka oo Maalinle ahaa,waxaana uu sheegay in la Gudagalo waxqabadka Wasaaradaha & Hay,adaha ka soo Qaybgalay shirkan.

Ayaki Ito oo ah Kuxigeenka Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya ayaa jeediyey warbixinta Mashruucan & Waxa ay ka qabatay Hay,adu Barakacayaasha iyo isdhexgalka Bulshada kale ,waxaana uu yiri Ujeedada Mashruucan waa Jawi Nabadeed oo ay ku wada noolaadaan Dadka barakacayaasha iyo Bulshada kale, Mashruucan Nabada iyo Dhaqaalaha Qaramada
Midoobay waxaa uu soconayey mudo waxaana uu xooga saaraa Xalinta Khilaafaadka.

Hay,ada UNHCR waa markii ugu Horeysay ee la soo mariyo Mashruucaan Lacagtiisa Hore waxaa inta Badan lasoo marsiin jiray Hay,ada UNDP, Waxaa uu mashruucaan u kala Baxaa 4 Qaybood oo kala ah:-

· In loo helo barakacayaasha Guryo iyo Kaabeyaashi Bulsho
· Jiritaanka Nabad Buuxda
· Tababaro
· Habka loo Maamulo Qashinka Magaalooyinka waaweyn

Axmed Cali Askar Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa Qaatay Hadalka waxaana uu
sheegay in Doorka Wasaaradu yahay Faafinta Mashruucan iyo Wacyigelinta Barakacayaasha iyo Bulshada Degaanka, Warbaahinta Puntland waxaa ay Qayb libaax leh ka Qaadataa Doorka Nabada & Isdhexgalka Umada.

Wasiirka Cadaalada Iyo Garsoorka Puntland Eng Khaliif Xaaji Xasan ( Ajaayo ) ayaa soo Bandhigay waxqabadka Wasaarada ee la xiriira Dadka soo Barakacay iyo Doorka nabada ay ka Qateen waxaana uu yiri waxaanu Faafinay Shareecada Islaamka iyo Darisnimada, wacyigelinta Qoysaska iyo Arimaha la Xiriira Dhaqancelinta Dhalinyarada.

Maxamed Daahir Yuusuf (Saalim)

Raxanreeb.com, Garowe.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests