Masuuliyiin isugu jirta Wasiiro, Gudoonka Barlamanka , Xillibaano & Saraakiil ciidamada amniga Dowlada Puntland ayaa socdaal maalin qaatey ku tagey deegaano ku yaal gobolka Sool Sida degmada Taleex & Deegaano kale oo ay ka mid tahay Tuulada xallin oo leh dhul beereed dalag wanaagsan uu kasoo go’o.
Xubnaha wefdiga ee gaarey deegaanadaasi ayaa kala ahaa, wasiirka wasaaradda beeraha & waraabka Dowlada Puntland Eng Maxamuud Xaaji Saalax, Gudoomiye kuxigeenka labaad golaha wakiilada Dowlada Puntland Md Xuseen Yaasiin X.Diiriye, Wasiir kuxigeenka Maamulka Wasaarada Maaliyada Md Cabdi Qowdhan, Xillibaan Cali Jaamac (Dhago-cade) & Xubno kale oo ka tirsan Barlamanka & Saraakiisha Ciidamada Dowlada Puntland.
Wefdiga ayaa safarkooda ka bilaabey deegaanka la yiraahdo Xallin oo qiyaastii Garoowe u jirta 100km dhanka waqooyi bari, ayna ku yaalaan tiro dhan 75 beerood , oo laga helo dalag wanaagsan oo loo iib-geeyo meelo kala duwan oo ka mid ah suuqyada gudaha magaalooyinka Puntland, Iyadoona dadka deegaankasi Xallin ay tabac xoog leh galiyeen sidii ay u buuri lahaayeen beero wax soo saar leh.
Qeybo kala duwan oo katirsan bulshada deegaanka Xalin ayaa soo dhaweyn balaaran u sameeyey wefdiga markii ay gaareen magaalada , ayna warbxin wefdiga ay ka dhageysteen qaar ka mid ah odoyaasha deegaanka & dadka iska leh beeraha ku yaal Xalin.
Wefdiga ayaa intii ay ku guddo jireen booqashada deegaanka Xalin waxay indho indheyn kusoo sameeyeen beeraha , & sidoo kale dhismaha warshada sonkorta sameysa oo Xallin ku taal, taasi oo bulshada deegaanku qalabka warshadu ku shaqeynaysay ay xil iska saareen islamarkana ay warshadu ka bad baadey in la bililiqeysto qalabka warshada ama xatooyo lagu sameeyo.
Kadib shirar ay wada yeesheen masuuliyiinta xubnaha wefdiga Dowlada Puntland & Shacabka Xallin ayaa xubno u hadley waftiga waxaa ay balan qaadeen in ay dhawaan deegaanka ka hirgalinayaan mashaariic kor loogu qaadayo tayada wax soo saarka Xallin & sidoo kale adeegyo bulsho sida xoojinta caafimaadka, Nabad-galyada, IWM.
Xubnaha wefdiga ee ku jirey kormeerka ayaa galinkii dambe waxa ay u socdaaleen degmada Taleex , halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen bulshada ku nool , islamarkaana ay la yeesheen shirweyn oo ay dad badan kasoo qeyb galeen.
Masuuliyiinta wefdiga ayaa dadka reer Taleex u faahfaahiyey safarkooda , kaasi oo ay ku tilmaameen mid dabo socda fulinta adeegyo bulshada oo muhiim ah, waxaana sidoo kale wefdiga intii ay joogeen Taleex ay kormeer ku sameeyeen Goobo ay ka mid yihiin saldhiga magaalada, & iskuuladda sida Dugsiga Hoose , Dugsiga dhexe & Dugsiga Sarre.
Iskuu wada duuboo safarka xubnahan isugu jira wasiiro & xillibaano ka tirsan baarlamanka Dowlada Puntland ayaa imaanaya , kadib balan qaadyo madaxda Dowladu sheegeen in ay mashaariic ka fulin doonto deegaano kala duwan oo ku yaal Puntland,waxaana la filayaa inay dhowaan qaadaan howlahaasi.
Abshir Cabdilahi Maxamed
![]()














