Buuhoodle (RBC Radio):- Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Ceyn ee Puntland ayaa ka soo horjeestay shir la sheegay in lagu qabanayo degmada Widh-widh ee gobolkaasi.
Xubnaha maamulka Gobolka Ceyn ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in aysan ogoleyn isla markaana aysan qaadan karin in shir aysan la socon oo aysan ka warqabin lagu qabto gudaha deegaanada gobolka Ceyn.
Shirka la sheegay in lagu qaban doono degmada Widh-widh ayaa waxaa la sheegay in maamulka Soomaaliland uu wado isla markaana uu qorsheynayo in uu halkaasi ku wada hadalsiiyo beelo dhowaan gobolkaasi ku diriray sida wararku sheegayaan.
Haddaba Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Ceyn ayaa soo sheegaya in shirka lagu wado in lagu qabto degmada Widh-widh uu yahay mid shirqool ah oo la doonayo in uu sabab u noqdo isku dhac shacabka halkaasi degan.
Shirka Degmada Widh-widh la sheegay in lagu qaban doono ayaa waxaa garwadeen ka ah sida wararku sheegayaan Keyse Cabdi Yuusuf oo horey uga tirsanaa SSC haatanse la sheegay in uu u weecday dhinaca maamulka Soomaaliland, waxaana shirkani uu sabab u noqday kala jabka hoggaanka SSC.
RBC Radio.



