Maamulka gobolka Cayn ee dowladda Puntland ayaa kasoo horjeestay shirkii dhowaan lagu soo gabagabeeyay degmada Widhwidhi oo ay ka qaygaleen masuuliyiin katirsan Somaliland iyo xubno uu hogaaminayo Keyse Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa saraakiisha SSC.
Gudoomiyaha gobolka Cayn Xariir Maxamuud Axmed oo lasoo xiriiray Horseed Media ayaa sheegay in shirkii lagu soo gabagabeeyay degmada Widhwidh uu ahaa mid laga lahaa u jeedo siyaasadeed,balse uu ku yimid fashil sida uu hadalka u dhigay.
“Shirkaasi ma’ahayn mid nabadeed oo wuxuu ahaa mid siyaasadeed”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Cayn.
Waxaa uu sheegay ujeedada shirkan inuu ahaa mid lagu doonayay in lagu qabsado degmada Buuhoodle,balse taasi aysan noqon mid suura gasha kadib markii waxgaradka Buuhoodle ay qaadaceen inay ka qaybgaleen shirkaasi.
Gudoomiyaha gobolka Cayn ayaa dhinaca kale sheegay qodobadii laga soo saaray shirka inay yihiin kuwa aan wax macno ah samaynayn.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii garaadada beelaha Buuhoodle ay shir ay ku yeesheen degmada Buuhoodle ay ku sheegeen inaysan ka qaybgalayn shirka degmada Widhwidh,iyagoona ku tilmaamay inuu yahay mid maamulka Somaliland uu ku doonayo inuu ka qabsado guud ahaan deegaanada beelahaasi.
Waxaana xusid mudan in hogaanka sare ee ururka midaynta iyo badbaada ee SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) uu qaadacay shirkaasi,isagoona sheegay inaysan matalin xubnaha kale ee ka qaybgalay shirkaasi lagu qabtay Widhwidh.
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli degmada Widhwidh uu maamulka Somaliland uu kusoo gabagabeeyay shir ay ka qaybgaleen masuuliyiin katirsan maamulkaasi iyo xubno uu hogaaminayo Keyse Cabdi Yuusuf,waxaana qodobadii laga soo saaray ka mid ahaa in la siidaayo maxaabiista dagaal ee SSC iyo in lasoo afjaro colaada deegaanka Kalshaale.
Horseed Media.



