Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dhalinyaro laga keenay degmooyin katirsan Puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Dhalinyaro laga keenay degmooyin katirsan Puntland

Postby FBISOMALIA » Tue Jun 28, 2011 3:06 pm

Image

Wasaaradda cadaaladda iyo arimaha diinta Puntland oo kaashanaysa hay’adda NCA ayaa maanta tababar kusaabsan farsamada gacanta ugu furtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland 65-dhalinyaro oo laga keenay degmooyinka Baargaal,Bayla,Eyl,Boosaaso iyo Garoowe.

Dhalinyarada tababarka loo furay ayaa isugu jirtay kuwa katirsanaa burcadbadeeda balse kasoo waantoobay iyo dhalinyaro khatar ugu jirtay inay ku biiraan kooxaha burcadbadeeda.

Munaasabadii lagu furayay tababarka ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin katirsan wasaaradda cadaaladda iyo diinta Puntland,hay’adda NCA iyo madax kasocotay wasaaradda waxbarashada Puntland.

Maamulaha Machadka Farsamada Gacanta Garoowe ee GVTC Inj.Maxamed Diiriye Laalac oo ugu horayn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu xilkan uu la wareegay goor dhoweyd,waxaana uu u mahadceliyay maamuladii ka horeysay,waxaana uu sheegay in machadka farsamada gacanta ay Garoowe ay ka hirgalin doonaan magaalooyin kale.

Agaasimaha waxaada farsamda gacanta ee wasaarda waxabrshda Puntland Maxamed Cali Faarax oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku booriyay dhalinta tababarla loo furay inay ka faa’iidaystaan xirfadaha la barayo islamarkaana wasaaradda waxbarashada ay taageeri doonto tababarka.

Duqa magaalada Garoowe C/casiis Nuur Cilmi oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in inuu ku dhiiri galinayo dhalinyarada loo furay tababarka isagoona sheegay in tababarkan uu yahay mid muhiim u ah bulshada kale duwan.

Madaxa hay’adda NCA ee Puntland Yuusuf C/qaadir Xaaji Xirsi ayaa sheegay in dhalinyarada looga baahanyahay in tababarkan qaadayaan marka uu u dhamaado inay uga faa’iideeyaan bulshada qaybaheeda kale duwan.

Wasiir kuxigeenka wasaarda cadaalda oo tababarkaan sirasmi ah ufuray ayaa waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in dhalintu ay ku dadaalaan sidii ay halkaan uga faa’iidaysan lahaayeen si’ay shaqo ka duwan howlha burcadbadeednimada ay u helaan.

Wasiir ku xigeenka Maxamuud ayaa sheegay in loo baahn yahay in barnamijkaan hay’adad NCA ay wado in ay sii balaariso waqtiga tabaraka uu socdo waxbadana ay kusoo kordhiyaan.

Dhlinyarada tababarka kusaabsan farsamada gacanta uu uga furmay machadka farsamada GVTC ee Garoowe ayaa waxaa ay noqon doontaa dufcadii 4-aad oo ay tababar u qabato hay’adda NCA.

Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests