Taliyaha ciidamadda Booliska iyo asluubta Gen. Cali Nuur Cumar & Wasiirka Wasaarada Cadaalada Iyo Arrimaha Diinta Dowlada Puntland C/khaliif Ajaayo ayaa maanta 05 july 2011 hor tagey golaha Wakiilada Dowlada Puntland oo ku guddo jirra kalfadhigii 26-aad oo furmey 19 june 2011.
Taliyaha Booliska & Asluubta Gen. Cali Nuur Cumar oo ka jawaabayey su'aalaha Baarlamanka ayaa sheegey in xilka uu hayey muddo dhan 8 bilood , isagoo xusey in howlo badan laga qabtey dib u dhiska Booliska Puntland.
Maalmihii la soo dhaafey Baarlamanka Puntland waxaa hortagey madax ka socotey Hay'adaha Dowlada Puntland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasaaradda arrimaha gudaha, wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar, Wasiirka Qorsheynta & Iskaashiga Daa'ud Bisle & madaxa Hay'adda wadooyinka Nesha.



