Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Saanad Milatari oo Lagu Qabtay Buurtinle Ayaa Dowlada Puntla

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
garoweboy
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8248
Joined: Sun Nov 22, 2009 9:05 pm
Location: Puntland, #GGMU

Saanad Milatari oo Lagu Qabtay Buurtinle Ayaa Dowlada Puntla

Postby garoweboy » Tue Jul 05, 2011 10:50 pm

Waxaa todobaadkan lagu qabtay magaalada Buurtinle hub la sheegay in si qarsoodi ah loogu gudbinayey maamulka Galmudug State ee ka dhisan koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Hubkan oo isugu jira nooca yar-yar ee loo yaqaan (small-arms) rasaas faro badan, iyo hub kale oo nooca waaweyn ah ayaa markii 3aad ciidamada amaanka degmada Buurtinle lagu amray inay u fasaxaan ciddii uu u socday hubkan oo dhowr jeer oo hore kasoo degay dekeda caalamiga ah ee magaalada Boosaaso.

Bar Kontorool oo Buurtinle ku taal ayaa lagu qabtay hubkan markii 3aad todobaadkan, iyadoo intii jeer ee la qabtayna lagu sii daayey amar ka yimid dowlada Puntland ee fadhigeedu yahay magaalada Garoowe.

Hubkan oo kasoo gudbay dhamaan kantaroolada Boosaaso, Qardho, iyo Garoowe ayaa waxaa ficil wadaninimo ah ka muujiyey inay hor istaagaan ciidamada amaanka degmada Buurtinle oo ku guuleystay inay xanibaan ilaa amar toos ah looga soo diray madaxtooyada Puntland.

Sababaha dowlada Puntland ugu olololeyneyso in Galmudug loogu daad-gureeyo hubkan ayaa lagu macneeyey inuu jiray heshiis Puntaland la gashay Galmudug oo dhigayey in hub ay kala soo degi karaan dekedaha Puntland.

Maamulka koonfur Gaalkacyo ee Galmudug wuxuu dagaal adag haatan kula jiraa maamulka ay deriska yihiin ee Ximan&Xeeb, dagaalkaa oo ay ku nafwaayeen dad kor u dhaafaya 20 qof, lama oga in hubkan loo isticmaali doono dirirta halkaas ka alloosan iyo in kale.

Dhow jeer oo hore waxaa dagaal kharaar uu ku dhexmaray gudaha iyo hareeraha magaalada Gaalkacyo dadka kasoo jeeda Galmudug iyo Puntland oo wada dega magaalada Gaalkacyo, iyado colaadii labada shacab ee aan wali xal kama dambays ah laga gaarin, ayaa dad badani ku tilmaameen maamulka Puntland inay ku deg-degeen talaabadan maamulka Galmudug loogu daabulayo hub iyo saanad.

Siyaasiyiinta iyo shacabka reer Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa dhowr jeer oo hore madaxweynaha Puntland ku eedeeyey inuu heshiis aan iyaga lagala tashan uu la saxiixday maamulka Galmudug, waxayna madaxweyne Faroole ku eedeeyeen inuu xiriir ka badan kan uu la lahaa waqooyiga Gaalkacyo uu la samaystay maamulka Galmudug.

Soomalia ayaa ka mid ah dalalka laga mamnuucay in uu hubku kaso dego, hadana waxaa muuqata in aysan shaqayn cunaqabatyantii la saaray hubka muddo haatan laga joogo 20-sano.

http://puntlandnews24.com/archives/10728

Faroole :down: :down:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests