Madaxweyne Faroole oo Safar Dalka Dibadiisa ah u Anbabaxay
Garowe ( RBC Radio )
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa ka Dhoofay Garoonka Garowe,Waxaana Madaxweynaha ku weheliyey safarkiisa Saraakiil ka Tirsan Xafiiska Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha ayaa Kula Haday Warfidiyeenada Garoonka waxaana uu Sheegay Safarkiisa iyo Meelaha uu ku Wajahanyahay.
Waxaana uu yiri Casumaad ayaan ka Helnay Beesha Caalamka waxaanu Gaaridoono Wadamada Kenya & Suudaan.
Faroole ayaa ka Qaybgalaya Munaasabada Caleema Saarka Maamulka Koonfurta Suudan oo Maalinta Sabtida Lagu Wado in Xaflad Balaaran lagu Qabandoono Gobolka Ebyan .
RBC Radio
Xafiiska Wararka ee Raxanreeb Garowe





