Jaamacad cusub oo loogu magacdaray Buuhoodle University ayaa lagu wadaa in dhowaan laga hirgaliyo magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn kaasi oo dhismihiisa uu sirasmi ah uu uga bilowday magaalada Buuhoodle.
Jaamacadan ayaa waxaa hirgalinteeda iska kaashanaya aqoonyahano kasoo jeeda degmada Buuhoodle oo kaashanaya jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku sugan daafaha caalamka.
Sheekh Mukhtaar Axmed Xaaji Faarax oo ka mid ah gudiga gacanta ku haysa dhismaha jaamacadda islamarkaana fikrada cusub ee jaamacadda iska lahaa ayaa Horseed Media u sheegay in ujeedada jaamacadda inay tahay sidii looga yarayn ardayda dhamaysata dugsiyada sare ee Buuhoolde inay waxbarasho jaamacadeed ka raadsadaan meelo ka baxsan gobolka iyagoo aan awood u lahayn bixinta qarashaadka.
Waxaa uu sheegay in xiligan ay heleen dhul ku haboon dhismaha jaamacadda balse waxaa uu sheegay inay laga maarmaan ay tahay taageero ay ka helaan shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan dalka iyo dibadda,isagoona sheegay in hiraglinta jaamacadda inay tahay mid aan yarayn howsheeda maadaama ay u baahantahay dhaqaalo badan.
Sheekh Muqtaar Axmed Xaaji Faarax ayaa sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan inay hirgaliyaan jaamacada cusub ee laga furayo magaalada Buuhoodle kadib markii uu sheegay inay ku guulaysteen inay iibiyaan dhulka jaamacadda.
Si kastaba jaamacadda cusub ee Buuhoodle University ayaa hadii lagu guulaysto hirgalinteeda waxaa ay noqonaysaa jaamacadii ugu horeysay oo ay yeelato degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn,iyadoo inta badan ardayda dhamaysata dugisyada sare ay waxbarasho jaamacadeed ay u raadsadaan gobolo kale.
Horseed Media.



