
Garowe (RBC Radio) Waxaa maanta Hor yimid Golaha Wakiilada Puntland Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Puntland Maxmuud Xayir Ibraahim oo Ka Jawaabay Su’aalo Farabaha Oo ay Weydiiyeen Baarlamanka Puntland.
Ugu Horeyna Waxaa Golaha Baarlamanka Uga Warbixiyay Mudadii Labada sano ee Uu Xilka Hayay Iyo Waxii Uu Qabtay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Puntland maxmuud Xayir Ibraahim Qodobada Ugu Muhiimsan ee ka Hadlay Waxaa ka Mid ah.
1-Ka Shaqeynta Arimaha Bulshada Oo Door weyn Ka Qaadatay Rugta Ganacsiga
2-Ka Qaybgalka shirarka Caalimiga ah ee Looga Hadlaayo Arimaha Ganacsiga
3-Kobcinta iyo Sare U Qaadida Aqoonta Ganacsatada Puntland.
4-Isku Xirka Ganacsatada Iyo Dawalda Puntland Oo Wada Shaqeyn Fiican Hada Leh.
5-Dhigida Carwadii Ugu Horeysay Puntland oo Ka Dhacday Boosaso Puntland Sumcad Ka Dhaxashay
Arimahaasi iyo arimo kale oo Ay ka mid ahaayen Sameynta shaqaale Aqoon Fiican leh oo u Adeega Ganacstada ayaa ka Mid ahaa Waxqabadkii uu maanta Ka Hor Akhriyay Golaha Wakiilada Puntland Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mr: Xayir.
Su’aalo Kala duwan Oo Mudane Xayir La weydiiyay ayaa waxaa ugu Muhiimsanaa arimaha Ka Jawaabista Cabashada ay soo Gudbiyaan ganacstada oo sheegay in wax badan ka shaafiyeen ganacstada Puntland Xililgan Tahay Mid Isku Duuban oo Hal Madax Iyo Maamul Leh.
Ugu Danbtiina Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland C/rashiid maxmed Xirsi oo Kulanka soo Xiray ayaa waxaa uu Sheegay in ay Uga Mahadcelinayaa Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Sida Nadiifka ah ee Uga Jawaabeen Dhamaan Su’aalhii Golaha ay Weydiiyen Isla Markaasina Howsha ay Qabteen tahay mid Mustaqabalka Baal ka Gali Doonta.
Mohmed A Rashiid
RBC Radio Qardho




