PUNTLANDTALK Website: Beelaha Cali Saleebaan oo Kalsoonida kala Laabtay maamulka Faroole
Submitted by admin on Wed, 07/06/2011 - 20:58
Shir ay soo qaban-qaabisay Jaaliyada Beelaha Cali Saleeban ee ku nool UAE ayna ka soo qayb-galeen, madaxdhaqamed, culima-udiin, siyaasiyin, aqoonyahano, ganacsato, dhalinyaro, iyo haween, dhamaan qaybaha bulshada, ayna ka soo qayb galeen ergooyin ka kala yimi Mareykanka, yurub, wadamada carabta, Afrika, iyo soomaaliya .
waxana looga hadlay xaalada guud ee somaaliya iyo gaar ahaan tan puntland, waxa sifiican looga dooday wax yaabihii loo asaasay puntland waxa laysla gartay sidaan.
kadib markii ay burburtay dawladdii dhexe ee somaaliya 1991 dalkuna u qaybsamay deegaan Beeledyo, beelaha deggan puntland waxay go’aan sadeen in ay dhistaan maamul, kaas oo dhismihiisu lahaa qorshe siyaasdeed oo cad, ujeeddoyin midaysan, shax awood qaybsi, deegaan iyo shacab midaysan, kana kooban sidaan, G/Mudug, G/Nugaal, G/Bari, G/Sool, G/Sanaag iyo Dg/Buuhoodle, dadaal dheer kadib waxaa lagu guulaystay bishi Aug 1998 in dhidibada loo taago maamul goboleedka Puntland, waxana dhisay madaxda dhaqanka oo ay hormuud uyihiin Isimada, siyaasiyiinta iyo ergooyin laga soo xulay Beelaha degga gobolada kor ku xusan.
Puntland waxay soo martay marxalado siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo maamulo kala-duwan. waxa lasyku raacay in mudadii uu dhisnaa maamulka Puntland, ay ugu xumayd saddexdii sano ee ugu danbaysay uuna talada hayey madaxweyne Faroole, in ay Puntland ku jirtay xaalad khatar ah haddana marayso meeshi ugu xumayd, haddaan dib’ufiirino dhacdooyinki iyo marxaladihi ay soo martay iyo mesha ay hadda marayso puntland Waa sidaan:-
Waxa dhacday in Isimadi marjaca u aha maamulka kana shaqanjirey xallinta khilaafaadka doorweynna ka ahaa jiritaanka puntland, Siyaasiyintii ruugcadaayada ahaa caqabado badanna soo dhaafiyey puntland, Saraakiishii ammaanka ee khibrada u lahayd sugida ammaanka, Culimadii ka shaqan jirtay wacyigelinta ummadda markii loo gaystay dilal qorshaysan, xarig, hanjabaad ihaano iyo bahdilaad joogto ah ayna noqden, wax la dilay ,wax wadanka isaga baxay iyo wax tuulooyin baadiye ah u cararay.
Waxa gacanta ka baxay gebi ahaanba isku xirnaantii gobolada Puntland, sida G/Bari oo ahaa laf dhabarta dhaqaalaha ayna ku taal casimadda ganacsiga oo ah magaalada Boosaaso taas oo hada ammaankeedi faraha ka baxay iyadoo Beelaha dega G/Bari qaar kamid ah ay ku dhawaqeen maamulo u gooni ah sida casayrland, waxa lamid ah Gobolada oo dhan sida Mudug, Sanaag, iyo Sool.
Waxa gacanta ka baxay ammaanki guud oo dhan waxayna isu bedeshay Puntland meel fowdo ah ayana ka jirin wax kala danbayn ah, waxa bilawday colaad beeledeyo isu bedelay dagaalo ay ku nafwaayeen boqolaal shacab ah, dilal qorshaysan laguna khaarijey, Isimo, Nabadoono, Xildhibaano, Wasiiro, Ganacsato, Saraakiil ciidan, Guddomiye-yal Gobolo iyo maxkamaded oo farabadan, halkan laguma soo koobi karo laf dharbatii bulshada reer Puntland ee birimageydada ahayd ee lagu khaarijey dilal qorshaysan, waxa kaloo dhacay qaraxyo qorshaysan ayna ku nafwaayeen dad farabadan oo soomaali ah, waxa dhacay dagaalkii kalshaale ayna waajib ku ahayd maamulka pl in ay difaacan, waxa dhacay dagaalkii Galgala kaas oo ay ku dhinten labada dhinacba dad reer Pl ah, waxa laba jibbaarmey burcad badeedda ka qawlaysata xeebaha puntland gaarayna heerkii ugu sareeyey.
Waxa hoos u dhac aad u weyni ku yimi dhaqaalihii puntland oo marki horeba ku tiirsana ganacsiga, markii ay dhacday in ganacsatadii ka imaanaysay gobolada kale ee soomaaliya iyo ismaamulka somalida Itoobiya loo diiday in ay soo galaan gudaha puntland intii gudaha jogtayna lagu guray baabuur iyagoo laga sifeeyey dhammaan gobolada puntland, loolana dhaqmay si fool xun ciddii loo arkay inaysan u dhalan deegaanka, arintaasuna waxay keentay in uu hoos u dhacay ganacsigii sida xawliga ah u socday ee Puntland.
Waxa uu noqday maamulka hada talada hayaa ee madaxwayne Faroole mid ku fashilmay gebi ahaamba wax yaabihi loo igmaday, waxuuna ku cadaaday maamul ka shaqaya isku dirka beelaha, kicinta shacabka, ka qayb qaadasho dilalka qorshaysan, abuuris colaado jogto ah, keli talisnimo uu san cidna wax ka maqlayn, hantidii guud ee puntland oo loo isticmaalay si khaldan iyo dano gaar ah, waxayna qayb katahay dhibaatida faraha badan ee ragaadisay puntland.
Hadaan dib u eegno masuuliyiinti kala duwana ee sida tooska ah loo khaarijey eyana jirin cid gacanku-dhiigle ah oo loo qabtay ama maxkamad loo soo taagay waa sidan.
1. Suldaan: Ciise Xasan Cumar (waxana lagu dilay November 21/2010 Bosaaso
2. Nabadoon: Cabdirisaaq Maxamuud Guhaad (waxana lagu dilay June 23/2008 Gaalkacyo
3. Nabadoon: Yaasin Cali Barre (fitilig) waxana lagu dilay June 23/2008 Gaalkacyo
4. Nabadoon: Cabdi Kacaan waxana lagu dilay February 6/2009 Gaalkacyo
5. Nabadoon: Nuur Xirsi Cismaan (Nuur waal) waxana lagu dilay March 30/2011 Gaalkacyo
6. Nabadoon: Saalax Cabdisalaan Axmed (waxana lagu dilay April 7/2011 Bosaaso
7. Nabadoon: Siciid Xasan Cumaar Kaashaweeto) waxana lagu dilay Aprill 24/2011
8. Nabadoon: Xuseen Cali Dudde (waxana lagu dilay March 21/2011 Gaalkacyo
9. Nabadoon: Axmed Salaad Caynab (waxana lagu dilay March 28/2011 Bosaaso
10. Oday: Warsame Yusuf Islam (Cirfe) waxana lagu dilay January 3/2011 Gaalkacyo
11. Ganacsade: Cali Jaamac Biixi (Jano-galle) waxana lagu dilay July 9/2008 Gaalkacyo
12. Ganacsade: Maxamuud Shikh Cimaan (waxana lagu dilay October 8/2008 Gaalkacyo
13. Ganacsade: Shire Siciid Cabdiraxmaan (walbaq) waxana lagu dilay May14/2011Bosaaso
14. Ganacsadde: Maxamed Cumar Gurey (waxana lagu dilay April 27/2011Gaalkacyo
15. Ganacsadde: Xasaan Axmed Cali (yare) waxana lagu dilay June 11/2008Gaalkacyo
16. Ganacsadde: Cabdisalaan cismaan Aw Maxamed (waxana lagu dilay May 14/2011 Bosaaso
17. Ganacsadde: Cabdinuur Saalax Dhiidhax (waxana lagu dilay May 16/2011 Bosaaso
18. Ganacsadde: Cumar Aw Muuse Maxamed (waxana lagu dilay June 20/2011
19. Xildhibaan: Ibraahim Cilmi Warsame(Gaab)waxana lagu dilay November 11/2009 Garoowe
20. Xildhibaan: Maxamed Cabdi Jibriiil (Daqare) waxana lagu dilay January 19/2010 Baosaaso
21. Xildhibaan: Cabdulaahi Cali Kaarad (waxana lagu dilay January 5/2010 Bosaaso
22. Wasiir: Warsame Cabdi Shirwac (Seefta-banaaka) waxana lagu dilay Aug 5/2009 Gaalkacyo
23. Gudoomiye Gobol: Yaasin Siciid Xuseen(waxana lagu dilay April 27/2009 Dhuudub
24. Gudoomiye Maxka: Shiikh Maxame Cabdi Awaare(waxana lagu dilay Nov 11/2009 Bosaas
25. Gudoomiye Maxka: Shiikh Xuseen Maxamed Khaliif(waxna lagu dilay Feb 8/2011 Gaalkacyo
26. Xeer-ilaaliye: Cabdiqaadir Jaamac Nugaal( waxana lagu dilay January 25/2011 Gaalkacyo
27. Xeer-ilaaliye: Maxamuud Aw Muuse ( Tima-jilic ) waxana lagu dilay Jane 7/2011 Gaalkacyo
28. Xeer-ilaaliye: Cali Jaamac Qalas( waxana lagu dilay Jane 12/2010 Bosaaso
29. Xeer-ilaaliye: Col. Cabdulaahi Saalax Shirwac( waxana lagu dilay Nov 30/2010 Bosaaso
30. Taliye: G/sare Yaasin Axmed Sanweyne( waxana lagu dilay April 29/2009 Gaalkacyo
31. Taliye G/sare Warsame Yusuf Axmed (waxana lagu dilay Dec 1/2010 Gaalkacyo
32. Taliye G/sare Xuseen Cali Faarax( waxana lagu dilay Dec 10/2010 Bosaaso
33. Taliye G/sare Axmed Xasan Xaaji (Dhoonge) waxana lagu dilay Sep 10/2010 Bosaaso
34. Taliye G/sare Axmed Jaamac Saalax ( waxana lagu dilay Dec 2/2010 Garoowe
35. Taliye G/sare Axmed Xaaji Doon (Tiibo-tiibo) waxana lagu dilay Jane 13/2011 Bosaaso
36. Sarkaal: Mukhtaar Shiikh Cali (waxana lagu dilay April 22/2011 Gaalkacyo
37. Sarkaal:Cismaan Cabdidaahir Maxamuud( waxana lagu dilay Dec 12/2009 Gaalkacyo
38. Agaasime: Maxamed Yaasin Ciise( waxana lagu dilay April 6/2011 Garoowe
39. Agaasime: Shiikh Ismaacil Xaashi Xuseen( waxana lagu dilay April 16/2011 Gaalkacyo
40. Mahad Cartan Beeldaaje waxaa la dilay Feb 2010 Boosaaso.
41. Jaamac Aadan Siibato waxaa la dilay Dec 2009 Boosaaso.
Arimaha aan kur ku xasnay awgood shirka waxa la go’aamiyey baaqyada hoos ku qoran
Beelaha Cali Saleeban waxay kalsoonidii kala laabteen maamulka Madaxweyne Faroole.
Beelaha Cali Saleeban waxay ugu baaqayaan Beelaha kale ee walaalaha ah kuna midoobay maamulka Puntland in ay isugu yimaadan shir deg-deh ah si ay uga tashadaan mustaqbilka aayahooda una badbaadiyaan jiritaanka Puntland iyo shacabka walaalaha ah.
Beelaha Cali Saleebaan waxay sigaar ah ugu baaqayaan Isimada, Siyaasiyiinta, Culimada diinta, in ay dareemaan masuuliyadda ka saaran dadkooda iyo deegaannadooda ayna u istaagan badbaadinta masiirka ummaddooda.
Beelaha Cali Saleebaan waxay kaloo sigaar ah ugu baaqayaan dhamaan ciidamada ammaanka ee Puntland, sida Daraawiishta, Booliiska, Asluubta iyo Nabadsugida in ay gutaan waajibad kooda sugida ammaanka , waxayna uga digeyaan in ay u shaqayaan shakhsi gaar ah, waana in aad dareentaan in aad u shaqaysaan shacabka reer puntland, waana in aad lashaqaysaan shacabka si toos ah, kana fogaataan waxkasta oo keeni kara isku dhaca ciidanka iyo shacabka.
Beelaha Cali Saleebaan waxay ugu baqayaan shakhsi yaadka ku abtirsada Beelaha Cali Saleeban ee ka mid ah maamulka madaxwayne Faroole iyo golaha baarlamaanka in ay joojiyaan shaqada kana soo qayb galan kulamada ay yeelan doonaan Beeluhu ayaamaha fooda in nugu soo haya iyagoo tixgelinaaya rabitaanka shacabkooda iyo wada tashiga Beelaha.
Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan shacabka Beelaha Cali Saleeban in ay ka fogaadan wax kasta oo wax u dhimi kara amaanka guud ee puntland ayna muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeri ah kana qayb qadataan sugida ammaanka.
Beelaha Cali Saleeban waxay si toos ah u cadaynayaan mowqif kooda siyaasaded ee puntland waxayna u arkaan midnimada iyo jiritaanka Puntland mid lagama maarmaan ah waxayna tixgelinayaan heshiiski Aug/1998 ay ku midoobeen beelaha reer Puntland.
KA QAYB GALAYAASHA SHIRKA EE KU SAXIIXAN BAAQAAN
Suldan: Ali Said cowl
Nabadoon: Muse mire said
Nabadoon: Ibrahim Xaaji Farah
Ex/wasir : Abdisamad Yusuf Mohamed
Sheikh Ismail said huseen
Sheikh Omar cisman Maraguduud
Sheikh Warsame Omar Said
Sheikh Farah Salaad Mohamud
Caaqil:Mohamed Hassan beeldaje
10. Caaqil: Abdulqadir cisman said
11. Caaqil: Daahir Said Husein
12. Caaqil:Farah Artan Salah Farahdheere
13. Caaqil: Mohamud ahmed awkowbe
14. Caaqil: Ahmed Said Muse
15. Caaqil: Xaaji Ismail Ali hash
16. Ganacsade: Farah Mohamed Ismail Toox
17. Ganacsade: Cap: Ciisa Xaaji Farah
18. Ganacsade: Ahmed Yusuf Mohamed
19. Ganacsade: Farah hirsi ali (Goobe)
20. Ganacsade: Salad ibraahim said (Salad eelay)
21. Ganacsade: Mohamud catoosh
22. Ganacsade: Abshir said yasiin
23. Ganacsade: Omar xaaji farah
24. Ganacsade: Salah yusuf Mohamed
25. Ganacsade: Mustafa ali said
26. Ganacsade: Abdalla Mohamed mahamud (Jigaange)
27. Ganacsade: Jamac said huseen
28. Ganacsade:Mohamed Mohamud Said Shabel
29. Ganacsade: Abdalla Mohamed Ibrahim
30. Ganacsade: Buruuj Mohamed orshe
31. Ganacsade: Ali Mohamed ciise
32. Ganacsade: Mohamed salad ali
33. Ganacsade: Said mohmud yusuf
34. Ganacsade: Faysal hasan yusuf
35. Ganacsade: Mohamed said omaar
36. Ganacsade: Mohamed Ibrahim xalaani
37. Ganacsade: Mohamud Muumin salaah
38. Ganacsade: Basher dhegabadane
39. Ganacsade: Said Mohamed shire
40. Ganacsade: Ahmed said salah
41. Ganacasade: Sheebe Abtirsade
42. Dr: Said Ali Garoon
43. Dr: Bashir Mohamed Uunlaaye
44. Dr: Abdullah Yusuf deri
45. Dr: Abdi Mohamud Farah
46. Dr: Mohamud Mohamed xalaani
47. Dr: Ahmed Cisman Farah
48. Dr Camale Ali Said
49. Eng: Yusuf Ahmed salah
50. Eng: Faysal Ahmed Salah
51. Eng: Sharma arke Salaad Ciise
52. Eng: Abdirashir wacay Said
53. Eng: Mohamed Ciisa Shirwac
54. Saxafi: Mustafa yusuf Mohamed
55. Mohamed Hassan jamac
56. Mohamed Nuurow
57. Abdi Omar Boostale
58. Said Salah Adan
59. Abshir Omar Casaawe
60. Mubaarak Yusuf Hasan
61. Jamac Durduro
62. Saleban Mohamed Hasan
63. Said Ibrahim Awad Bacaraar
64. Xaaji Said Saleban
65. Sahale Jabagure
66. Farah aadan Ladane
67. Mohamud ali aadan
68. Mohamed dhafoor
69. Abdalla hayir geesood
70. Cisman Nuur ahmed
71. Mohamud cisman dheere
72. Salax Dharaar Xiir
73. Siciid mirood nuurow
74. Saciid ahmed xoor
75. Yusuf qaxiye ciise
76. Mahamud cisman haaruun
77. Abhsir Farah Salah
78. Osman Said jebiye
79. Abdalla salad ciisa
80. Nawaf Faroole
81. Mohamed yusuf xinif
82. Ali Mohamed salah
83. Muqtaar Yusuf Mohamed
84. Mohamud muuse samatar
85. Hayaan Salaad Boss
86. Naaje mohamud hasan
87. Saciid wacay Said
88. Khadar Hasan Gacamay
89. Sacid Mohamed dube
90. Abdi ismail Salah
91. Mohamed said tumunle
92. Said Mohamed ciise
93. Jamaca wacay Said
94. Drs:Rooda salah Yusuf
95. Drs: Casha Mohamud jamac
96. Drs: Khadra Hassan Mohamed
97. Dahabo Yusuf jamac
98. Drs: Samsam said Mohamed
99. Cibaado
Muriyo Omar jamac
Maryan said mire
Xaalimo adan Mohamed
Xaliimo bilcil
Canab osman