Ururkan wadaniga ah Israac oo waday indhoweeyto hormarinta iyo hagaajinta muuqaalka magaalada Qardho, sidaa la socotaan walaalayaal ururka israac wuxuu furey wadooyinkii xirnaa qaar ka mid ah, asaga oo lakaashanaya Dowladda hoose iyo weliba dadka degan meelaha laga shaqaynayo, walow ay weli jiraan wadooyin xiran oo u baahan dhaqaale badan, farsamooyin iyo weliba awood maamul.
Dhirtii horey loogu beerey wadadooyinka waxay mareeysaa meel fiican, isbedel ayaa ku yimi intii kaliishu iyo roobabku yimaadeen waxaya u baxeen si wanaagsan, iyadoo qaarkood ay u baahdeen in laga bedelo fuustooyinkii difaaca u haa ka dib markii ay ka waaweenaadeen fustooyinkii, waxaanu hada wadnaa sidaa sawirada ka argtaan in aan fuustooyinka ku bedelno dismo bulikeeti ah, hadba inta waaweenaata kana dhigno dhismahaas, Waxaanu jimicihii dhoweeto ka bedelnay 10 Geed, walow ay kharash badan ku baxayo, dhismaha waxaaanu gaarsiinay dhererkiisa 1.50 m.
Magaalada Qardho waxaa ku da’ay roob wanaagsan, dadka iyo duunyaduba way ka soo kabanayaa abaartii saamaynta ku yeelatay miyi iyo magaalaba, hadana waxaa lagalay xilli xagaaga ahaa oo loo soo xagaabixi jiray, dadka Boossaso ka soo xagaa baxa waa meesha ugu badan oo ay ku soo xagaa baxaan, waxaa sanadka kasta yimaada dad hor leh qaarkoodna xataa qaboobaha way ku haraan, dadakaaso u badan dad u dhashay Gobolada kale puntland waxaan soo jiitay nabada Qardho ka jirta iyo u dhowaanshaha Boosaaso.
Waxaa magaalada yimaada dad ka badan intii horey u imaan jirtay, laakiin waxaa jira in guryihii kirooyinka ahaa la kiraystay wuxuu qolkii gaaray 50 dollar, guriga fiilada ah qaarkood waxay gaareen 250 dollar, fursdaha ganacsi oo magaalada ka banaan waxaa ka mid ah in guryo badan oo kiro u joog ah in laga sameeyo halkan.
Hadal haynta ugu ween iyo su’alaha ugu badan Qardho asbuucyadan laysla dhexmarayo waa guri kiro ah ma haysaa? Waxaa jira guryo badan oo sanadkasta magaalada laga dhiso, balse ma daboolaan dadkan si aadka ah ugu soo qulqulaaya halkan.
Waxaa Sawirada iyo Warbixintan yar diyaariyey
Xaamid C/llahi Cismaan
Ururuka Israac – Qardho
trees planted a couple of months back
new trees ready to be planted











