Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somali national peace conference: garowe v mogadishu

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
whitehartlane
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2041
Joined: Sun Jan 02, 2011 10:23 pm

Somali national peace conference: garowe v mogadishu

Postby whitehartlane » Sun Jul 17, 2011 1:41 pm

http://www.aarannews.com/?p=24064

Maxamed Xasan Xaad: “Haddii shirka lagu qabto meel ahayn Muqdisho fashil ayuu ku dhammaanayaa”


Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ee Muqdisho Maxamed Xasan Xaad ayaa ka digay haddii meel aan Muqdisho ahayn lagu qabto shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Q/midoobay ay qabanqaabinayso in uu fashil ku dhammaan doono.

Xaad waxa uu u sheegay Q/midoobay in ka fiirsi badan ay ka yeeshaan arrinta shirka iyo goobta lagu qabanayo, wuxuuna ugu baaqay Qaramada Midoobay in shirka wadatashiga ah ee dhawaan la qabanayo aan laga weecin magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay tahay caasimadda Soomaaliya, sidoo kalena ay tahay xarunta ay ku shaqeyso dowladda KMG Soomaaliya.

Waxa uu Guddoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad uu sheegay in loo baahan yahay Q/midoobay aysan ogolaan in shirka lagu qabto meel aan ahayn magaalada Muqdisho.

Xaad waxa uu ku baaqay in shirkaasi lagu qabto halka ay dowladda KMG Soomaaliya gacanta ku heyso ee magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in aysan jirin meel ugu wanaagsan shirkaasi Mudisho, isagoo shaaca ka qaaday in haddii shirkaasi lagu qabto meel oo ka baxsan Muqdisho uu ku dhamaan doono fashil isla markaana aan laga gaari doonin ujeeddadii loo qabtay.

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad waxa uu sheegay in haddii Qaramada Midoobay ay iska dhaga tirto baaqa Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ay iyagana go’aan ka qaadan doonaan baaqyada Qaramada Midoobay, wuxuuna mar kale ku celiyay in lagama maarmaan ay tahay in shirkaasi lagu qabto magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole uu sheegay in shirka wadatashiga ee Soomaaliya lagu qaban doono magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, isagoo sheegay in Q/midoobay ay arrintaas isku afgarteen, madaxweynaha Soomaaliyana lagu wargelinayo, sida uu yiri.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests