Garoowe:-Golaha Wakiiladda Puntland oo maanta dood aad u kulul yeeshay ayaa waxay aad iyo aad uga doodeen qoraal uga yimid Golaha Xukuumada Puntland kaas oo lagu doonayay in 2% sarifka Dawlada ee canshuurta ku qaado lagu siyaadiyo oo awal ahaa 28.000 SH.SO. laga dhigo 30.000 SH.SO. si baa la yiri loogu daryeelo ciidanka iyo naafadiisa.
Xubnaha Golaha Wakiiladda ayaa badankooda ka soo horjeedsaday qaabka looga doodayo ee loo dhigayo codaynta kadib markii Guddoomiyaha Wakiiladda Mudane, Cabdirashiid uu soo jeedshay in Golahu uu ogalaado sida Wasiiraddu u soo qoreen amaba ay ogaladaan in qaab kale Dawladdu u dabirto, halka Xubnaha Wakiilada intooda badan ay soo jeediyeen in Haa ama Maya loo coddeeyo.
Xubno badan oo ka tirsan Golaha ayaa ku dooday in kordhinta sarifka Dawladdu ay canshuurta ku qaado ee SH.SO uu dhibaato ku noqonayo ganacsatada dabadeedna dadka danyarta ah uu dhibaataynayo, sidaasdarteedna ay haboonaan lahayd in Dawladdu si kale u dabirto.
Halka qaar kalana ay ku doodeen in aysan wax dhibaato ah ku yeelan doonin ganacsatada ee ay faa’iido u noqon doonto ciidanka oo u baahan daryeel, sidaas awgeedna la meel mariyo.
Dood dheer kadib, ayaa Guddoomiyuhu cod galiyay waxaana halkaasi fadhiyay 36 xubnood 18-18 ayay noqdeen mar labaad ayaa lagu ceshay waxaa u codeeyay 19, waxaana diiday 16, waxaana iskaga aamusay hal xubin sidaas ayaana lagu ansixiyay.
Daabacaadda:Puntlandpost.com



