
Garowe (RBC Radio):- Wasiirka cusub ee Wasaarada Amniga dowladda Puntland Mudane Khaliif Ciise Mudan ayaa waxaa uu ka waramay habka Wasaaradiisu ay u wajahayso amaanka guud ee Puntland.
Mudane Khaliif waxaa uu warbaahinta u sheegay in wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland lagu amrey in ciidamada amaanka Puntland qeybihiisa kala duwan ay hoostagayaan Wasaarada Amniga dowladda Puntland.
Wasiirka Amniga dowladda Puntland waxaa uu hadalkiisa ku daray in ay Wasaaradiisa hortaal shaqo aad u balaaran oo wax looga qabanayo amaanka guud ee Puntland, wuxuuna sidoo kale sheegay in uu la iman doono qorshe wax looga qabanayo amaanka iyo xasiloonida Puntland, qorshahaasi oo ay ku mideysan yihiin laamaha amaanka Puntland oo ay Wasaaradu hor boodeyso.
Hadalka Khaliif Ciise Mudan ayaa u muuqda mid rajo gelinaya dadweynaha reer Puntland oo muddooyinkii dambe ay soo wajaheen falal amaanka liddi ku ah kuwaasi oo Wasiiradii Amniga Puntland soo maray aaney waxba ka qaban, marka laga reebo idaacadaha oo ay mar walba ka hadlayeen oo ay ka tacsiyeynayeen wixii dhib ahaa ee dhacay.
RBC Radio.




