Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

plan five year (2012 -2017) discussion

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

plan five year (2012 -2017) discussion

Postby FBISOMALIA » Thu Jul 21, 2011 6:37 pm

GAROOWE: Dowlada Putland Hay’adaha QM oo ka wada Hadlay sidii loo hormarin lahaa mashaariicda Shanta Sano ee soo Socot

Image

Garoowe: (PP)- Wafti balaaran oo ka socda QM gaar ahaan Hay’ada UN-ka ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland islamarkaasna kulamo kala duwan la qaatay madaxda Dowlada Puntland sida Hay’ada kala duwan ee Dowlada Puntland.

Waftigaan oo ka kooban 23 xubnood oo isugu jira madax sare oo ka socday Hay’ada deeq bixiyaasha ah iyo QM ayaa socdaal ku maray laamaha xarrumaha dowlada Puntland iyo aqalka madaxtooyada oo ay kulamo kula qaateen masuuliyiinta sare sare ee Puntland sida madaxwayne kuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire.

Waftigaan ayaa kormeero ay ku mareen xarrumaha Dowlada kaddib waxaa ay shir sharaa’id ku qabteen hoolka shirarka ee Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashigga caalamiga ah ee Dowlada Puntland islamarkaasna madaxda wasaarada ugu warbixiyey ujeedada ay u yimaadeen Puntland, Mrs Asjick lodan oo ka mida madaxdii waftigaan hogaaminaysay ayaa sheegay in ay u yimaadeen Puntland sidii loo eegi lahaa mashaariicdii la qabtay shantii sano ee la soo dhaafay islamarkaasna dib loogu eegi lahaa wixii aan qabsoomin iyo caqabadaha hortaan.

Image

Wasiirka qorshaynta Puntland mudane Daa’uud Maxamed Cumar ayaa waftigaan ugu warbixiyey waxyaalaha ay Dowlada Puntland u baahan tahay in ay Hay’ada deeq bixiyaasha ah ka caawiyaan Puntland, Wasiirka ayaa xusay in Dowlada Puntland ay Hay’ada caalamiga ah ee deeq bixiyaasha ah ay uga baahan yihiin in ay gacan ka siiyaan baahiyaha ay ka midka yihiin horrumarinta mashaariicaha ay Puntland beesha caalamka ku leedahay iyo sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen arrimaha gacan siinta qaxootiga, la dagaalanka burcad badeeda, Amaanka guud ee Gobalka, la dagaalanka Argagixisada.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay Hay’ada deeq bixiyaasha ah ay gacan uga gaystaan horrumarinta iyo siyaasada Puntland taas oo ay Puntland markasta diyaar ula tahay in cidkasta oo gacan ka gaysanaysa horrumarinta Puntland ay imaan karaan Puntland.

Image

Sidoo kale waxaa ay waftigaani madaxda Puntland u sheegeen in loo baahan yahay in la diyaariyo qorshaha siyaasadeed ee shanta sano ee soo socota taasoo haatan ay labada dhinac isku afgarteen in ay guul ku soo dhamaadeen waxyaalaha inta badan laga wada hadlay

Dhanka kale waxaa ay labada dhinac isku raaceen in si wadajira loo wada shaqeeyo islamarkaasna ay Hay’ada deeq bixiyaasha ah ay diyaar uyihiin in ay Puntland gacan ka siiyaan waxkasta oo ay uga baahan yihiin Hay’ada QM.

Si kastaba ha ahaatee waxaa hay’adaha Deeq bixyaasha ah iyo Dowlada Puntland ay sanadkasta ka wada hadla sidii dib loogu eedi lahaa mashaariicaha ka socday deegaanada Puntland islamarkaasna loo saxi lahaa

Image

caqabadaha hortaagan waxyaalaha aan qabsoomin taasoo 5- tii sanaba la diyaariyo qorshe cusub oo lagu horrumarinayo siyaasada horumarineed ee Puntland.

User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Re: plan five year (2012 -2017) discussion

Postby CismanMaxamud1 » Fri Jul 22, 2011 2:30 pm

:som: :up:

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: plan five year (2012 -2017) discussion

Postby quark » Fri Jul 22, 2011 9:56 pm

:up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests