
Tababar ku saabsanaa xal u helida caqabadaha ka jira dhinca amniga guud ahaan Puntland iyo Afkaar ururinta Amniga Puntland ayaa si rasmi ah maanta loogu soo gabagabeeyey magaalo xeebeedda ganacsiga Puntland ee Bosaso.
Tababarka oo muddo laba beri ah ka socday Hotel Juba ayna waday Hay’adda Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka amniga Dawladda Puntland Khaliif Ciise Mudan,Guddiga barnaamihka Tiirka nabadda,ururada dhalinyarada,Culuma’udiin,Saxaafadda,gobolada Bari,Sanaag,Haylaan iyo marti sharaf kale.
Ka qaybgalayaasha oo u badnaa xubno ka kala socday goboladda Bari,Sanaag iyo Haylaan ayaa macalinkii bixinaayey casharada oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Ismaciil[Qarawe],wuxuu usoo bandhigay dhowr su’aalood oo la doonayey in afkaaro kala duwan ka bixiyaan si loo gaaro siyaasad amni qaran oo ay yeelato Puntland.
Xubnihii isu hawlay in sidii loogu baahnaa u fulo barnaamijkaan kana socday Hay’adda PDRC ayaa waxaa kamid ahaa:
Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga amniga ee PDRC Cabdillaahi Ducaale Cali Kaar.
Hogaamiyaha barnaamijka Tiirka amniga ee PDRC Daahir Maxamed Ismaciil[Qarawe]
Hogaamiye Kuxigeenka Cilmi baaraha barnaamijka Tiirka amniga ee PDRC Xamdi Cabdi Gaani.
Madaxa Maamulka iyo Maareynta ee PDRC Faadumo Maxamed Maxamuud.
Daahir Maxamed Ismaciil[Qarawe],oo ahaa macalinkii casharada bixinayey ayaa ugu horeyn guud mar kooban ka bixiyey barnaamjika tiirka nabada,wuxuuna si qoto dheer u faahfaahiyey muhiimada iyo faa’idada amnigu u leeyahay bulshada,wuxuuna soo bandhigay ajandaha casharada lagu qaadanayo muddada labada beri ah uu Tababarku soconaayo kuwaasi oo kala ah:
Guud mar kooban oo ku saabsan Barnaamjika Tiirka nabada.
Siyaasadda iyo Istiraatijayadda amni qaran.
Shaqo Kooxeed: Dejinta Himilada amniga Puntland.
Khataraha amni ee ka jira Puntland.
Hadafyada amniga.
Mr. Daahir Qarawe ayaa ugu danbeyntii sheegay in fikradaha laga aruuriyo ka qaybgalayaasha ay tahay mid lagu raadinayo xal u helida caqabadaha ka jira dhanka amniga kaas oo gabagabda laga soo saari doono Siyaasad midaysan oo dhanka amniga ah.

Xubnihii ka socday gobolladda Bar,Sanaag,Haylaan,culuma’udiin,ururada dhalinyarda iyo Saxaafadda ayaa afkaaro kala duwan oo ku saabsan Siyaasadda aminga Puntland ka soo jeediyey madashii uu ka dhacayey Tababarka,waxaana ay dhamaantood soo jeediyeen in loo baahanyahay dib u dhayid in lagu sameeyo amniga Puntland walow ay qaar kamid ah soo jeediyeen fikrado kuwaasi ka duwan.
Wasiirka amniga Dawladda Puntland ahna Guddoomiyaha barnaamija Tiirka nabadda Khaliif Ciise Mudan oo hadalo kooban u jeediyey ka qaybgalayaasha ayaa ugu horayn sheegay in casharadii aad uga faa’idaysateen Tababarka mudadii uu socday loo baahanyahay in aad kula noqotaan bulshadii aad ka timaadeen si wanaagsana uga faa’idaysaan.
Khaliif Ciise Mudan ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in amniga uusan dan u ahayn shakhsi kaliya balse uu bulshada oo dhan dan u wada yahay loona baahanyahay in sida ugu haboon looga wada shaqeeyo.
…”Ciddii ogol in amniga ay Ilaaliso waa in si sharaf leh loo soo dhaweeyaa balse kuwa khalkhal gelinaya waa in la isaga qabto gacan bir ah…”ayuu yir. his talk about atom gang in this statement
Garaad Cabdillaahi Cali Ciid oo ah afhayeenka Isimada Puntland oo isna hadlo kasoo jeediyey Tababarka ayaa ku dheeraaday muhiimada amnigu leeyahay,wuxuuna sheegay in muwaadin kasta oo reer Puntland ah laga doonayo in uu ilaashado amniga uu ku faanayo.
Sidoo kale Garaad Cabdillaahi oo soo hadal qaaday Cadaalada ayaa sheegay in haddii la helo Cadaalad dhab ah la helaayo midnimo umadeed.
…..”Qofkii wanaag keenaya oo dhan waxaa lagu tilmaami karaa in uu yahay MADI MADI….”ayuu yiri Garaad Cabdillaahi Cali Ciid.
Dhanka kale Garaad Cabdillaahi ayaa soo hadal qaaday Markab ganacsi oo ah kuwa qaada Shidaalka una rarnaa ganacsato kasoo jeeda Somaliland oo Burcadbadeed ku afduubteen xeebaha gobolka Bari,wuxuuna ka dalbaday in ay si sharuud la’aan ah ay ku sii daayaan.
Si kastaba ha ahaatee Tababarkaan mid dhigiisa ah ayaa lagu soo qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland bishii Julay 16-keedii-2011,kan maanta lasoo gabagabeeyeyna wuxuu ahaa kii labaad,waxaana la filayaa in Hay’adda PDRC ay mid la mid ah labadaan Tababar ay ku qabato magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug 27-28 bishan Julay 2011.
Cismaan Turaabi
Horseed Media
Bosaso,Puntland