Garowe(Puntlandi.com) Degmada Dangorayo oo horey u lahaan jirtey Dugsi hoose Dhexe oo lixdamaadkii lasameeyey ayaa hada laga hirgaliyey Dugsi Sare oo ay gacan wayn ka geystee hirgalintiisa Jaaliyada Dibada ee deegaanka.
Degmada Dangaroyo oo ka tirsan Gobolka Nugaal waxaa ku nool Dad kor u dhaafaya 34ooo, Dugsigaan sare ee hada laga hirgaliyey Degmada ayaa noqon doona mid boqolaal ardey ay kasoo qalin jabiyaan sanad walba sida la qorsheynayo.
Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Dangorayo oo ay kamid yihiin Xaajikheyr, Baarweyn iyo tuulooyinka kaleba ayaa ardeydu uga imaaneysaa Dugsigaan.
Degmada Dangorayo ayaa sanadahaan dambe si deg deg ah u koreysa iyadoo degmada laga howl galiyey mashaariic ay gacan ka geystaan Jaaliyada dibada ee Puntland, Waxaa tan iyo Sagaashanadii laga bilaabey degmada dhismayaal ay kamid yihiin Hotelo, Guryo iyo shirkado si gaara loo leeyahey, kuwasoo ka qayb qaata Horumarka Deegaanka.
Puntlandi.com




