Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Kulan looga hadlayo sugidda amniga oo ka dhacay Garoowe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Kulan looga hadlayo sugidda amniga oo ka dhacay Garoowe

Postby FBISOMALIA » Sat Jul 30, 2011 5:03 pm

Image

Saraakiisha ciidanka Booliska iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ayaa kulan looga hadlayo sidii bulshada loogu wacyi gelin lahaa inay ilaaliyaan amniga caasimadda Puntland ee Garoowe si wada jir ah ugu qabtay saldhiga bartamaha dhexe Garoowe.

Kulankaasi oo intiisa badan looga hadlayay sidii loo adkayn lahaa Amniga magaaladda Garoowe ayaa waxaa marka hore ka hadlay Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland Gaashaanle Sare Maxa’ed Siciid Jaqanaf oo kamid ahaa saraakiishii kulankaan qabtay wuxuuna dadka ku dhaqan magaalada Garoowe ugu baaqay inay si feejignaan leh uga shaqeeyaan nabad-galyadda.

Kulankaani ayaa ahaa mid si deg-deg ah ay u wada qabtaan masuuliyiinta wasaaradda amniga iyo sarakiiisha amniga Puntlan waxayna ka danbaysay ka dib markii la sheegay in saacado kooban ay ka harsan tahay u dabaal daga xuska markii dhidibada loo taagey Dowlada Puntland kuna beegan 1-da bisha 8-aad 2011.

Wasiir kuxigeenka amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo ka mid ahaa masuuliyiinta halkaasi ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday in aan wax hub ah lagu dhex arki karin magaalada Garoowe noockastaba hubkaasi ha noqdo isla markasna cidii lagu arkay laga qaadi doona tilaabo sharci ah, arrintaas oo markii horeba mamnuuc ahayd ayaa wasiirku sheegay in ay sii xoojinayaan, wuxuuna C/jamaal ku daray in la farayo shacabka ku dhaqan magaalada Garowe ka shaqaynta amniga.

Marka laga soo tago kulanka wacyi galinta amniga oo ay si wada jir ah u wada qabteen masuuliyiinta amniga iyo saraakisha amniga Puntland ,waxaa magaalada Garoowe ka socda adkaynta goobaha lagu dhigayo xafladaha waxaana magaalada lagu dhex arkayaa ciidamado ku labisay dareeska ciidanka amniga oo si toos ah u ilaaliya nabad-galyada iyo xasiloonidda caasimadda Puntland .

Horseedmedia
Garoowe Puntland

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests