Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Qurbajoogta Puntland deeq soo gaarsiiyay Isbitaalka galgacio

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Qurbajoogta Puntland deeq soo gaarsiiyay Isbitaalka galgacio

Postby FBISOMALIA » Sat Jul 30, 2011 5:11 pm

Image

Gaalkacyo (RBC Radio):- Waxaa deeq lacageed oo ka timid Qurbajoogta Puntland ee Qaarada Yurub la soo gaarsiiyay Isbitaalka guud ee Gobolka Mudug.

Deeqdani ayaa ka timid Jaaliyaddaha Puntland ee magaalooyinka London iyo Gothenburg waxayna dhaqaalahani usoo dhiibeen wakiilo ku hagaajiya Maamulka Isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Goobta deeqda lagu gudoomayay ayaa ahayd gudaha Isbitaalka guud ee gobolka Mudug gaar ahaan aqalka shirarka ee Isbitaalka, waxaana soo xaadiray wakiiladii lacagaha lagu soo hagaajiyay, Maamulka Isbitaalka iyo Dhakhaatiirta gobolka qaarkood.

Jaaliyadda Puntland ee magaalada London ayaa soo dhiibtay deeq dhan $3,100 (Saddex kun iyo boqol Doolar) waxayna deeqdani ku soo haggaajiyeen si uu ugu wareejiyo qeybaha ay ku socotay Duqii hore ee degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, waxayna Jaaliyaddu ugu talo gashay dhaqaalani in la gudoonsiiyo Isbitaalka guud ee gobolka Mudug, Xarunta agoonta iyo Afurinta dadka sooman, waxaana deeqda dhaqaalaha ah lagu wareejiyay maamulka qeybaha aan kor ku soo sheegnay.

Jaaliyadda Puntland ee magaalada Gothenburg ayaa waxay soo dhiibeen deeq lacageed oo dhan $6,870 oo ay ugu talo galeen in lagu wax loogu qabto Isbitaalka guud ee gobolka Mudug, waxayna deeqdani usoo wakiisheen in ay ku wareejiyaan maamulka isbitaalka laba gabdhood oo la kala yiraahdo Faadumo Faarax Maxamuud (Haariyoon) iyo Maryan Jaamac Barre, waxayna haweenkani lacagta ku wareejiyeen Eng, Cumar Dheere oo ka tirsan Guddiga dhaqaale aruurinta Isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Agaasimaha Isbitaalka guud ee gobolka Mudug C/raxmaan Maxamed Jaamac ayaa u mahad celiyay qurbajoogta Puntland ee magaalooyinka London iyo Gothenburg ee dhaqaalaha soo gaarsiiyay Isbitaalka.

Eng, Cumar Dheere oo isagu ku hadlayay magaca Guddiga dhaqaale aruurinta Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa u mahad celiyay Qurbajoogta Puntland ee London iyo Gothenburg oo uu sheegay in ay dadaal u galeen in ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda, wuxuu sidoo kale u mahad celiyay wakiilada ay lacagahaasi ku soo hagaajiyeen ee keenay Isbitaalka.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests