
Garowe ( RBC Radio ) Ka dib markii shalay La soo bandhigay Tiro badmaaxiin u dhashay dalka Teylaan oo lagu soo bandhigay magalada garowe ee Caasimada Puntland, ayaa dawlada Puntland waxaa ay dalbatay in dadkaasi ay Hay’adaha wax u qabataan.
Badmaaxiintani oo lagu soo bandhigay hotelka galobal ee magalada Garowe ayaa gaadhaya tiro ahaan 14-dhamaantood u dhashay dalka Taylaan,muddana gacanta ugu jiray kooxo burcad baded Somali ah.
Agaasimaha guud ee Hay’ada la dagaalanka Buracad-badeeda Puntland C/risaaq Maxamed Dirir oo warbaahinta kula hadlay magalada garowe ayaa ku dheeraday habka loo soo daayay dadkani badmaaxiinta ah.
Agaasimaha ayaa sheegay in Kooxdani oo ka koobneyd 25-ruux ay saarnaayeen doon ay koox burcad ah in muddo ah afduub ku heysteen deegaanka Garacad Ee gobolka Mudug,ka dib markii Dawlada Puntland hawlgalo ka sameysay garacad, Burcad waxaa ay dadkan ula wareegen Xeebaha deegaanka Dhanaane.
Halkaasi oo in muddo ah ka dib Ay Dagtay doontii ay saarnaayen dadkani badmaaxiinta ah, waxaana kooxaha burcad badeeda ah ay la yimaaden dhinaca Bariga.
Dadka deegaanka oo ay horkacayaan waxgaradka ayaa Burcada ka Dhaa-dhiciyay in ay siidaayan dadkan Masaakiinta ah, waxaana ay ku guuleysteen in la sii daayo 14-ka mid ah badmaaxyaasha.
Waxaana wali gacanta burcada ku jira ku dhawaad 5-badmaax oo ay heystaan qayb ka mid ah Burcada, walina waxaa soconaya da’daalka loogu jiro in si nabad ah loo soo daayo.
Agaasimaha oo ay dhinac fadhiyeen wasiirka dakkadaha iyo gaadiidka Badda Puntland Siciid Maxmed raage iyo masuul ka socda UNDP ayaa waxaa uu dalbaday in hay’adaha gargaarka wax u qabtaan raga dhibaateysan.
Agaasime duceysane ayaa waxaa uu sheegay in ay la xiriiriyeen dadkooda oo ku sugan Bankook iyo meelo kale oo dalka Taylaand ku yaala.
Kooxaha burcada ah ayaa sidoo kale waxaa u diray in ay soo daayan inta ku dhiman gacantooda,si dhamaantod hal mar dalka looga wada dhoofiyo.
Maaha markii ugu horeysay oo kooxaha burcad ah ay si Nabad ah ku soo wareejiyaan dad ay afduubteen waxaana horay koonfuta gobolka mudug sidan oo kale loo keenay dad ajaanib ah oo buracada badaha ay afduubteen
Mohamed A Rashiid
RBC Radio Boosaso



