Page 1 of 1

Maamulka Gobolka Sanaag Oo Ka Warbixiyay Xaalada Gobolka

Posted: Thu Aug 04, 2011 12:29 am
by FBISOMALIA
Badhan ( RBC Radio) Maamulka gobolka sanaag ayaa waxaa ay ka warbixiyeen xaalada guud ee gobolka sanaag.

Gudoomiyaha gobolka sanaag maxmuud siciid Nuur oo la hadlayay warbaahinta gudaha Puntland ayaa sheegay in xaalada deeganka xiligan tahay mid aad u dagan.

Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday shir ka soconayay degmada Badhan oo ay leeyihiin beesha halkaasi dagta oo ku tilmaamay in looga hadlaayo xaalada beesha.

Dabeyl ayaa sidoo kale ka hadlay gaadiid dhawaan lagu kala dhacay qaybo ka mid ah gobolka sanaag,balse haatan ay wareejiyeen si nabad ah.

Waxaana uu tilmaamay in ay Gaadiidkaasi muddo ka hor u wareejiyeen dadkii laga dhacay,waxaana ay toos ugu amba baxeen halkii uu ku socday oo ah Degmada garacad.

Sidoo kale Gudoomiyaha gobol sanaag Maxmuud siciid ayaa ka hadlay xuduudaha gobolka sanaag oo sheegay in xiligan wanaagsan yihiin.

Maamulka somliland ku Egyahay dhinaca magalada Ceerigaabo halkaasi oo ku siman yihiin,waxaana uu sheegay in ciidamda ilaalada xududa ay heegan yihiin xili walba.

Ugu danbeytiina waxaa uu sheegay in sanadkan Barwaaqo fiican ay ka dhacday gobolka sanaag gaar ahaan roobabkii dhawaan ka da’ay gobolkaasi oo sheegay in si weyn loogu Liibaanay.

RBC Radio