Wefti balaaran oo ka socda dawlada Puntland oo ka koobaan wasiiro, agaasimayaal iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqday magaalada Taariikhiga ee Taleex.
Weftiga ayaa ka koobnaa Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Warfaafinta Axmed Cali Asker, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga Puntland Gaani Cali Yuusuf, Madaxka ka socota hayadaha qaramada midoobay iyo saraakiil Ciidan.
Weftiga oo aroortii hore gaaray degmada Taleex ayaa kulamo la qaatay odyaasha dhaqanka ee degmada Taleex iyo guud aahana shacabka magaaladaas.
Ujeedo weftiga ayaa lagu sheegay inay ku saabsantahay u kuurgelida xaalada degaanka, Nabadgelyada, xaalufinta degaanka iyo dhuxusha la gubayo, iyo sidii wax looga qaban lahaa goobaha taariikhiga ah.
Agaasimaha Guud ee Amniga Puntland Gaani Cali yuusuf ayaa sheegay inuu jiro qorshe guud oo wax lagaga qabanayo dhamaan degaamada degmada taleex.




