Page 1 of 1

G.Guddiga Amniga G/Mudug oo xariga ka jaray suuq cusub

Posted: Sat Aug 06, 2011 3:09 pm
by FBISOMALIA
Image

Gaaalkacyo (RBC Radio):- Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha suuq cusub oo laga dhex dhisay xerada Dayax ee magaalada Gaalkacyo.

Mudane Cuuke ayaa sheegay in suuqani uu yahay mid ay horey u dhiseen Mas’uuliyiinta Maamulkii hore ee degmada Gaalkacyo ee uu Gudoomiyaha ka ahaa Mudane C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, wuxuuna uga mahad celiyay dadaalka ay geliyeen dhismaha suuqaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in suuqani uu yahay mid loogu talo galay in ay fariistaan dadka ka shaqeysta qudaarta ee u badan haweenka, kuwaasi oo haatan fariista meel kumeelgaar ah oo aan u diyaarsaneyn hab suuq ah.

Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa waxaa kaloo uu ka dhawaajiyay in xerada Dayax Gaalkacyo ay ka dhisi doonaan xarun weyn oo ay leedahay dowladda hoose inta ka soo hartana ay ka dhisi doonaan suuqyo iyo goobo bulshada loogu adeego.

Image
Gudoomiye Maxamuud C/raxmaan Cuuke

Dhinaca kale wuxuu Gudoomiyaha Guddiga Amnigu sheegay in bisha Ramadaan dhamaadkeeda la keeni doono laba baabuur oo nooca waaweyn ah oo ka shaqeynaya arimaha nadaafada kuwaasi oo uu sheegay in ay leeyihiin wiishash qaada waxyaabaha nadaafada iyo bilicda magaalada wax u dhimaya

Image

Image

Suuqa maanta xariga uu ka jaray Gudoomiyaha ayaa waxaa lagu wadaa in ay fariistaan haweenka qudaarta ku iibiya gudaha suuqa Dayax Gaalkacyo, iyadoo maamulka laga sugayo in dadka suuqaasi fariisan doona ay u sameeyaan eex la’aan iyo caddaalad.

Re: G.Guddiga Amniga G/Mudug oo xariga ka jaray suuq cusub

Posted: Sat Aug 06, 2011 8:41 pm
by Xamud.
:clap: :clap: :clap: :clap: No more Cali Xun and his tahriib movies and Bar Udug iyo mamada biyihii kuluula

Well done mamuulka Mudug, they have done a very good job so far, I hope they keep it up.

Re: G.Guddiga Amniga G/Mudug oo xariga ka jaray suuq cusub

Posted: Sun Aug 07, 2011 12:37 am
by quark
governor cuuke :up: