Gen Samatar has served under all of puntlands presidents,,,,,but i perfer abdullahi ahmed jama (Ilko Jiir),,,,i believe he will value all regions of puntland equally,,,,
Puntland Waxay Sugaysaa Gen Samatar
12th August 2011 · 0 Comments
Maamulka Puntlan oo la dhisay sanadkii 1998- waxa soo maray hal Madaxwayne oo Arimaha Amaanka aad u yaqaan kaasina wuxuu ahaa baan oran karaa Coll C/laahi Yuusuf Axmed oo ka mid ahaa Kooxdii Yarayd ee Sami ka taliska Aas Aaskii Puntland lahayd, wixii ka danbeeyay markii Coll Yuusuf u talaabay Heerka Madaxwaynaha Dowlada Somaliya waxa Puntland isaga danbeyay Hogaamiyaal aan arimaha Ciidamada iyo Amaanka Kobaciisa aqoon Fiican u lahayd in kastoo qaarkood ay dhaqaalaha ku Wanaagsanaayeen sida Madaxwaynaha wakhtigan Dr C/raxmaan Faroole oo ku Bariiqday xoojinta Amaanka hase yeeshee dhaqaalaha xoogaa Yara xadiday.
Dadka badan oo saadaaliyay siyaasada Puntland waxay leeyihiin Bad Baadada Puntland waxay gundaheeda ku jirtaa in la doorto Shakhsi badhi taaraya horusocdka Laamaha Amaanka si looga guulayso Kooxaha doonaya inay Lugaha qabtaan Amaanka yar ee ka jira gudaha PL.
Marka la eego dal daluulada ka jira PL waxa la oran karaa waxa ugu wayn Amaanka markaan eego dilalka qorshaysan ee Madaxda Dowlada kuwaasi oo la Beegsaday Qaar badan oo Labada Golle ka Tirsan Baarlamaanka iyo xukuumadaba sidoo kale garsoorayaasha Maxkamadaha qaarkood baa la dilay mana Jiraan cid ilaa haatan la hor keenay Sharci cadaalad ah.
Guud ahaan masiibooyinkan aan ka sheekaynay waxa u baahanaayeen in uu xukuumada Hormuud u Noqdo qof Arimaha Amaanka qoon dheeraad ah u leh, si looga guulaysto Kooxaha xagjirka ah ee Koonfurta Somaliya colaada ka Hurinaya isla markaana u soo hanqal taagaya inay u soo Talaabaan Gudaha PL
Arimaha Amaanka Bosaaso
Magaalada Bosaaso oo ah Magaalo Ganacsi isla markaana Xudun u ah Guud ahaan Isu socdka Ganacsiga Somaliya tan iyo markii ay Meesha ka baxday Dolwadii dhexe ee Somaliya waxay ahayd Magaalo ay soo higsanayaan Boqolaal Somaliyeed oo ka kala Yimi daafaha Somaliya dadkaasi qaarkood waxay soo raadsadeen Muruq maal iyo Nabad halka kuwa kale ay dhaqaalahoodii Galiyeen Gudaha Bosaso madaama ay Koonfurta Somaliya Hulcayso.
In kastoo hadana Bosaaso ay soo mareen maamulo kala gadisan oo hoos yimaada Kan Guud ee Dallada Puntland waxa jira dal daloola Yar yar oo dhanka Amaanka ah kuwaasi oo mararka qaarkood dhaca.
Tusaale ahaan Wasiirkii Amniga Puntland General C/laahi Siciid Samatar oo dhowr jeer ahaa Wasiirka Amniga Qaranka Puntland wuxuu ahaa nin Waayeel ah oo Khibrad Ciidan leh kaasi oo wax badan ka qaban jiray Arimaha Amaanka oo ah dhaliilaha ugu badan ee xukuumada wakhtigan jirta.
In kastoo uu ahaa Wasiirka Amaanka oo awoodiisu inta badan xadidnayd hadana wixii Tabartiisa ah waxbuu ka qaban Jiray sida isaga oo is hor taagi jiray shufta badeeda, Shufta bariga iyo Afduubka Hay’adda Caalamiga ah taasi oo mar Noqotay Tusbax Afka laga Furay maamuladii soo maray PL.
Dadka aqoonta durugsan u leh Gen C/laahi Siciid waxay ku sheegaan inuu ahaa nin Sama ka talis ah isla markaana hada jeer loolan ugu jiray in Puntland Amaan iyo kala danbayn hesho si loo bad baadiyo danta qaran.
Wuxuu ahaa Wasiirkii kaliya ee aan dhicin markii xukuumadii uu ka mid ahaa doorashada looga Guulaystay 2009- Bishii Janaayo, horaanteedii isaga oo la xusuusto xilligii doorashada oo xaalad kala Guur iyo xil raadis loo kala Tartamayo inuu geed dheer iyo mid gaaban u Fuulay sidii ay doorashadaasi xasilooni ugu qabsoomi lahayd taasi oo uu Gudanayay shaqadiisa Wasiirnimo ee Amaanka oo markaasi oo kale aad loogu baahi qabo.
Walow aan la aqoon in Gen Samatar quudaraynayo inuu Masraxa Siyaasada Puntland Hogaanka sare ka qabto hadana waxa jira Shirar dibadeeda uu wado oo looga xaajoonayo arimaha Guud ee Puntland.
Editorial/GalGalanews.com





