Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Gudiga Baahinta Puntland oo soo Bandhigay Waxqabadkoodii

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Gudiga Baahinta Puntland oo soo Bandhigay Waxqabadkoodii

Postby FBISOMALIA » Tue Aug 16, 2011 8:32 am

Gudiga waxaa la Magacaabay 16 /5/2011 waxaana uu ka Kooban yahay 10 Xubnood oo isugu jira Wakiilada Xukuumada, Baarlamaanka , Bulshada Rayidka & Hay,adaha UNka ,JLPG& Lacal Government,

Gudigaan oo ayaa Soojeedinta Asaaskiisa Waxaa lahaa Hay,ada Horumarinta & Cilmi Baarista ee Puntland waxaana ansixiyey Madxweynaha Puntland C/raxman Maxamed Farole,

Ujeedada Gudiga loo sameeyey waxaa ay ahayd Baahinta Maamulka & Raadinta Caqabadaha Maamul Baahinta Hortaagan ee Puntland, Gudiga ayaa kusoo Bandhigay waxqabd,Baaq & Tub loo Raacidoono Wadada Maamul Baahinta Puntland,Xarunta Horumarinta & Cilmi Baarista Puntland ee PDRC oo iyadu Dhanka Farsamada ka Daadihinaysa Barnaamijka Maamul Wanaaga & Baahinta Deegaanada Puntland,

Maryan Maxamed Cabdulle (M.Cawar) waa Afhayeenka Gudiga Maamul Baahinta Puntland waxaa ay Warbaahinta u Jeedisay Warbixin ku saabsan Baaqa Gudiga , Wixii u Qabsoomay & Howlaha ay Guda Galeen waxaana ay sheegtay in ay :

Daraasad ku samaysay Hay,ada Horumarinta & Cilmi Baarista ee PDRC, 15 Degmo oo ka mida Degmooyinka puntland , waxaa la soo Ogaaday Caqabadaha Haysta Shaqooyinka Golayaasha Deegaanka oo ay ka midyihiin ,

Wada shaqayn la,aan Bulsho & Golaha Degmooyinka
Xulashada Golaha oo Liidata Keentana Isqabqabsi Joogta ah & Burbur
Ilaha Dhaqaalaha Degmooyinka oo Xadidan Taasoo Keentay Hoos u Dhaca Adeegyada Bulshada
Dowlada Dhexe & Dowladaha Hoose oo Liita,



Maryan waxaa kaloo ay sheegtay in Markaa Kadib la Sameyey Gudiga Maamul Baahinta Waxaa uu Guda galay Qorshe Howleed & Habkii la Raaci laha,

Sidoo kale waxaa ay Sheegtay in Gudigu Howlihiisa kowaad uu ka Bilaabay wada shaqaynta Wasaarada Arrimaha Gudaha waxaana uu Xushay 5 Degmo oo lagu Tijaabinayo Hirgelinta Barnaamijka Xoojinta Dimoqraadiyadda ee ka Qaybgalka Bulshada, Shanta Degmo waxaa loo Xushay , Baran ,Jariiban ,Taleex,BanderBayla,&Eyl

Afhayeenku waxaa kaloo ay Xustay in la ogaaday in Degmooyinka Laamiga ku yaal ay helaan Xogaha soo Baxa lakiin ay ku yartahay Xogtu kuwa ka leexsan Wadad Laamiga ah,

Waxaa la Diyaariyey shirweyne Daahfur ah oo ay ka soo Qaybgaleen wakiilo shanta Degmo & Gudiga Hogaaminta Maamul Baahinta & pdrc oo ka Caawinaysa Barnaamijka Dhanka Farsamada ,

Shirkaa ayey Sheegtay in Wakiiladu ay is ka dhexdoorteen 5 Xubnood oo la shaweyndoona Gudigaan,Gudigu waxaa uu Qorsheeyey in la Sameeyo Daraasad ku aadan sidii ay u wada Shaqayn lahaayeen Dadweynaha &Golayaasha Deegaanka iyadoo shantaan Degmona yihiin kuwii lagu Bilaabi lahaa Hirgelinta Maamul Baahinta si Loo Xoojiyo Wadashaynta Dowlada Dhexe

Golayaasha Deegaanada & Dadweynaha Puntland Waxaana loo Gudbidoonaa Degmooyinka kale ee Dalka ,

Ayadoo la Hirgelindoono Fulinta Barnaamijka ku aadan Xoojinta Dadweynaha & Arrimaha Deegaanka Taasoo mihnaheedu yahay sidii ay u wada shaqayn lahaayeen Golaha Deegaanka & Dadweynaha,

Maryan ayaa Baaq u jeedisay odayaasha Dhaqanka & Nabadoonada kazoo ku aadan in ay Qofka ay u Xulanayaan Xubinimada Golaha Deegaanka ,Odayaashu Ha keeneen Golaha Degaanka Qof Buuxin kara Kaalinta Masuuliyadeed ee kaga aadan Horumarka & Waxka Qabashada arrimaha arrimaha Xafiisyada uu ka Howlgalayo Xildhibaanka Deegaanku,

Gabagabadii Maryan waxaa ay sheegtay iyadoo ku Hadlaysa afka Gudiga Maamul Baahinta in ay Wax Mira Dhala ka Rajaynayaan Barnaamijka Maamul Baahinta Deegaanada Puntland,

RBC Radio

Xafiiska Wararka ee Garowe

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests