Boosaaso: (Sh. M. Network) Maamulka gobolka barri ee Puntland ayaa waxa uu sheegay in dad ay usoo qabteen dilalkii ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolkaasi.
Gudoomiyaha Maamulka gobolka Barri ee Puntland C/salaam Max’ed oo maanta la hadlayay Saxaafada gobolkaasi ayaa waxa uu ka hadlaya dilal dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi kuwaasi oo loo geytay dad Nabadoona ah.
C/salaam ayaa waxa uu sheegay in ciidamada amaanka Maamulka Puntland ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan dad uu sheegay in looga shakisan yahay inay ka dambeeyaan dilalkii ka dhacay magaalada Boosaaso kuwaasi oo uu sheegay inay xabsi dhigeen.
Gudoomiyaha gobolka Barri ayaa waxa uu sidoo kale sheegay ciidamada Maamulka Puntland ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan rag uu tilmaamay inay ku lug leeyihiin dilalka inta badan ka dhaca magaalada Boosaaso, isagoo ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada in ciidamada ay amaanka kala shaqeeyaan.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii kooxo hubeysan magaalada Boosaaso ee gobolka Barri ay ku dileen nin Nabadoon ahaa kaasi oo sababta loo dilay aan la ogeyn, mana jirto ilaa hada wax ay arintaasi uu ka qabtay Maamullka Puntland.



