well done khaliif ciise mudan first Taleex and now BaargaalBaargaal ( RBC Radio) Wararka Caawa laga helaayo degmada baar-gaal gobolka bari ayaa sheegaya in xaalada dagan tahay ka dib markii galabta dagaal ku dhex-maray duleedka baargaal ciidamo ka tirsan Dawlada Puntland oo galbinayay wasiiro ka socda Puntland oo halkaasi u tagay sidii ay u soo ogaan lahaayen xaalada guud ee deeganada bari.
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan,waxaana qayb ka ahaa
Wasiirka Arimaha Gudaha C/llahi Axmed jamac
Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shirre
Wasiir-ku xigeenka Amniga C/jamaal Cusmaan
Wasiir-ku xigeenka Arimaha Gudaha Cali Xoosh
Taliye Xigeenka Booliska Puntland Maxmed Sicid
Wararka ayaa tibaaxaya in weerar looga hor yimid duleedka degmada baargaal ee gobolka bari,weerarkan ayaa waxaa soo qaaday sida warar ku dhow wafdiga ay sheegayaan rag taageerasan Maamul lagu magacaabo Raas’caseyr Land oo dhawaanahan halkaasi sheeganayay.
Cidamada ilaalada Wasiirada iyo Kuwa daraawiishta Puntland ayaa ku guuleystay in ay ka gudbaan weerarkaasi,waxaana halkaasi ay gacanta ku dhigeen 12-maxbuus oo ah Ragii weerarka soo qaaday,sidoo kale waxaa wararka shegayan in laba Gaadiid ah oo ay wateen iyo Hub la qabtay.
Xaalada deegaanka Baar-gaal ayaa haatan dagan waxaa halkaasi ku sugan ciidamda Puntland iyo wasiiradii,iyadoona ay soconayaan shirar kala duwan oo ay leeyihiin wasiirada iyo dadka deegaanka.
Horay waxaa halkaasi ugu maqnaa wafdi ka socda puntland oo hogaaminaayo wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Eng: Maxamuud Xaaji saalax kuwaasi oo ujeedada ahyad siidii ay u muujin lahaayen xaalada dhabta ah ee ka jirta Deeganada Hoose ee gobolka Bari.
RBC Radio News





